Weriye Mukhtaar Ismaaciil cali oo ka tirsan shabakada wararka Golisnews oo illaalada Baarlamaanku si xun u garaceen maanta
November 3, 2011 - Written by editor
Mukhtaar Ismaaciil Cali oo ka tirsan tafatirayasha Golisnews ee Somaliland ayaa saaka waxay ciidamada ilaalada ee baarlamaanku u gaysteen jugo iyo aflagaado, ka dib markii uu booqday xarunta isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisii shaqo. Suxufi Mukhtaar Ismaaciil ayaa mudo saacad kudhaw waxa uu ku xanibnaa saldhiga dhexe oo loo gudbiyey markiiba, waxase halkaas laga soo daayay markii wax denbi ah lagu waayay. weriyaha ayaa waxa si badheedh ula kac ah u soo doontay mid kamida Askaerta ilaalada oo magiiciisa layidhaahdo Cawaale waxaanu aflagaado iyo cay dadejis ah uu ku bilaabay inuu la dhaco qoriga dabadiisa isaga oo leh “hadaanan dhamaantiin eyahay eydu dhashay idiin wada taxaabin jeelka” kadibna waxa uu u kexeeyey saldhiga dhexe halkaas oo uu taliyihii saldhiga dhexena ku wanjalay isagoo u sheegay inuu weriyuhu buuq iyo fawdo geliyey fadhigii mudanayaasha, walow aanay maanta mudanayshu fadhiisanba oo aanay lahayn wax kulan ah. maaha markii ugu horaysay ee saxaafada lagu handido hawl maalmeedkooda ay bulshada sida mutadawcnimada ah ugu adeegayaan hadana waxa maalin walba isa soo taraysa dhibka iyo jidhdilka ka soo gaadhaya xarumaha dawlada. Xafiiska wararka Golisnews Hargeysa Somaliland info@golisnews.com
http://somalilandfuture.com/weriye-mukh ... n-maanta/
Leave a Reply



