Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby Ceelafweyn » Wed Nov 09, 2011 8:29 am

Waxa wasiirku sheegey in Sanaag ay hub la ciirciireyso!
Xaabsade oo sheeggay in Xukuumaddu Hub-ka-dhigis ku samaynayso Beelaha Gobolka Sanaag


Xukuumaddu nabadgelyo xumo ma wado wixii dhintay iyo wixii dhaawacmayba waa Ciidanka oo dul qaadanaya



Ceerigaabo (Waaheen) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Gobolka Sanaag ka bilaabi doonto Hub-ka-dhigis, ka dib marka salka loo dhigo amaanka guud ee Magaaladda Ceerigaabo oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada qaranka Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Koonfurta gobolkaas.



Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde ayaa sheegay inay kulamo la yeesheen beelaha wada dega gobolka Sanaag, kuwaas oo uu ka xusay Habar-yoonis, Dhulbahante oo colaadi ka dhaxayso iyo waliba beesha Habar-jeclo.

Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah wefti xukuumaddu u dirtay Magaaladda Ceerigaabo ka dib markii dagaal ku dhex maray laba beelood ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in nabadgalyadii Ceerigaabo soo noqotay isla-marlaana ay hadda xasiloon tahay, isaga oo sidoo kalena sheegay inay dhawaan isa soo hor-fadhiisin doonaan beelahaasi ay gaar-gaarka ula kulmeen. Md Xaabsade oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Ceerigaabo ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaani idiin sheegaynaa in Magaaladii Ceerigaabo ay nabadgalyo tahay, dadkiina is-dhex marayo, meel walbana la wada joogo, dhibaatadii dhacdayna diyaar loo wada yahay in laga wada heshiiyo, beel beel ayaanu ula shireynaa, beel walbana waxaanu u sheegaynaa nabadgalyaddu waxay tarto iyo nabadgalyo darada dhibteeda, dadka guddo iyo dibadba waxaanu u sheegaynaa in nabadgalyadii xasilan tahay, waxaanuna doonaynaa in lanagala wada shaqeeyo.” Wasiirka warfaafinta iyo wacy-galinta Somaliland waxa kale oo uu soo qaaday “Dagaalkii yaraa ee dhacay cida wax ku gaadheen waa ciidamada, ciidamaduna sidaas ayay ku dul-qaateen oo ay u habranayeen inaan dadka wax gaadhin, laakiin iyagii (Maleeshiyadda) ayaa soo wada toogatay wixii dhaawaca ahaa ee dhacayna waa ciidanka, ciidamaduna raali ayay ku yihiin, maantana sidaas ayaa la isku wada dhex marayaa oo nabadgalyadii sidaas ayay u sugan tahay oo waa la wada degan yahay.” Ayuu yidhi Md Xaabsade waxaanu intaa ku daray “Waxaanu rabnaa in marka aanu qolo walba gaarkeeda ula shirno inaanu meel isugu keeno, dabadeedna halkaa laga sii ambo qaado nabadii”

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay shirar doceedyo gaar-gaar ah la galeen saddex beelood oo laba ka mid ahi yihiin kuwii colaadu ka dhaxaysay “Waxaanu shirar la galay dhammaantood, Habar-jeclo waanu la galay, Habar-yoonis waanu la galay, Dhulbahantana waanu la galay, qolo walbana gaar ayaanu ula shiray, iyaggiina dib ayaanu isugu dirnay (Inay dhexdooda wada hadlaan beel walba), waxaanuna ka sugaynaa natiijo, dabadeedna marka aanu dhageysano ayaanu isku keenaynaa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo ka hadlaya hub ka dhigis ay samaynayaan “Nabadgalyada markaanu sugno ayaanu u soo jeedsanaynaa hub ka dhigista, sidoo kalena markaanu nabadgalyada gaadhno ayaanu wixii gacan ku dhiigle ah talaabadii laga qaadi lahaa aanu u soo jeedsanaynaa.”

Wasiir Xaabsade waxa uu xukuumadda ka fogeeyay inay wax lug ah ku leedahay nabadgalyo darada ka jirta Sanaag, waxaanu yidhi isaga oo arimahaa ka hadlaya “Nabadgalyo xumada dawladu shuqul kuma laha, haddii nabadgalyo xumo jirto dadka Magaaladda dagan ayaa galay, nabadgalyo ayaanu halkan u joognaa oo aanu cid walba gambadh ugu fadhiisanaynaa kana tagi mayno ilaa nabadgalyada aanu sugno oo aanu hagaajino”

Md Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu baaq u diray shacabka reer Sanaag “Shacabka reer Somaliland iyo reer Sanaag-ba waxaanu ugu baaqaynaa in nabadgalyadu dan tahay, dantana lagama boodo, waxaanuna leenahay Magaaladii xasiloonidii halagu soo celiyo, tolnimadii iyo ehel-nimadii Magaalada lagu wada deganaa halagu soo celiyo, waxa Magaaladda joogaana waa wiil, walaalkii iyo sodogii, la mid maaha Magaalooyinka kale, waxaanuna leenahay dantiina garta.” Ayuu yidhi’

Source: http://waaheen.com/?p=23852

Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby Ceelafweyn » Wed Nov 09, 2011 9:32 am

More update

Beesha Waqooyiga Ceerigaabo oo caddaysay in wada hadal lagu soo afjaro shaqaaqooyinkii dhacay
November 9th, 2011 Comments Off


Hargeysa (Somaliland.Org)-Wefdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Masuuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ah ayaa maanta ka qayb galay kulan ay beesha waqooyiga Ceeri-gaabo ay ku go’aansadeen inay nabad-gelyo buuxda kula noolaadaan beelaha ,isla markaasina shaqaaqadii ka dhacday magaalada Ceeri-gaabo lagu soo afjaro wada hadal.

Kulankaasi oo si ballaadhan loo soo agaasimay laguna qabtay xarunta maamulka gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo, ayaa waxa ka qayb galay beelaha galbeedka iyo bariga Ceeri-gaabo iyo culimaa’udiin.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliand Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa shaqaaqadii ka dhacday Ceeri-gaabo, waxaanu xusay in wefdiga uu hoggaaminayaa ay joogi doonaan gobolka ilaa iyo inta laysla gaadhayo go’aamo nabadeed oo rasmiya.

Wasiirka Arimaha guduhu waxa sheegay in gacan ku dhiiglayaashii dilalkan gaystay aanay ka daba hadhaynin dawladdu muddada ay doonto ha ku qaadatee,
Wasiirku waxa uu uga mahad celiyay beesha waqooyiga Ceerigaabo sida ay u aqbaleen ergadooda nabadeed. Waxaanu intaaasi ku daray in maalinta berri ay kulan noocan oo kale ah la yeelan doonaan beesha koonfurta Ceerigaabo.

Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali, oo hoggaaminayey beesha waqooyiga Ceeri-gaabo ayaa hadal dheer oo uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku cadeeyay inay beel ahaan diyaar u yihiin go’aan kasta oo dhinaca wanaaga ah iyo wada dhalashada bulshada u adeegaya, waxaanuu boqorku qiray in shaqaaqadii khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba keentay ee dhex martay beeshiisa iyo beesha koonfurta Ceeri-gaabo ay dheg-xumo weyn u soo jiiday guud ahaan gobolka Sanaag.
Boqor Maxamed waxa uu sheegay inay beel ahaan u dhega nug-laadeen baaqyadii nabadda ee kaga imanayey shacbiga Somaliland.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay cuqaal iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha waqooyiga Ceeri-gaabo oo dhammaantoodba sheegay inay taageersan yihiin go’aanka lagu guntayo nabad-gelyo waarta oo lagu soo dabaalo shaqaaqadiie maalmihii la soo dhaafay ka aloosnaa Ceeri-gaabo.

Guddoomiyaha gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,oo si wada jir ah halkaasi uga hadlay ayaa sheegay in isu tanaasulku iyo ergo qaadashadu ay astaan u tahay dhaqanka ay bulshadeenu ku soo caanamaashay, iyaga oo uga mahad celiyay beesha woqooyiga ceeri-gaabo sida ay ula qaateen in nabad lagu dhameeyo khasaarihii dhacay si aanay arintu u sii jiitamin.

Afarta beelood oo hadhowna isla qaata heshiisiinta beelaha Degmada Ceerigaabo: Koonfur (dhulbahanate), Bari (warsanegli), Waqooyi(Habar Yonis) iyo Galbeed (Habarjeclo).

User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby CaynabaX » Wed Nov 09, 2011 9:39 am

Ceelafweyne, waxaan maqlay that a Biciide men of Ciidanka qaranka daagalku ku geeriyooday. Can you confirm this?

User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby HaragWafi85 » Wed Nov 09, 2011 10:01 am

Whether Musa Ismaaciil is called Beesha Galbeedka Ceerigaabo or Beesha Waqooyiga/Bariga Ceerigaabo etc by different websites. They will continue to dominate the city and no we will not disarm ourselfs aslong as the Dhulbahantes in Fiqi Fuliye, Awrboogays villages of Sanaag are not disarmed.



Ceerigaabo (Jam)- beesha kalee degta dhinaca galbeed ee magaaladaas (Habaryoonis) oo dilal aannooyin qabiil ah foodda isku daray iyo weliba dagaalkii ka dambeeyey ee ka dhex qarxay kooxda malleeshiyo-beeleedka ah iyo ciidanka qaranka.

http://www.jamhuuriya.info/view_article ... e_id=17448

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby LiQaaye_TDH » Wed Nov 09, 2011 10:36 am

Anigo waxaan la yaaba Habar Jeclo, maxa HJ lagala Heshisiinaya? Dagaalkani ma waxu ka dhaxeeya Isaaq iyo Dhullbahante... Dagaalkani waxu aha HY iyo Dhullos oo Keliya, why is this Websites reporting HJ aya lala Gelaya Heshiis...

even in Xaabsade's Video he said ino Heshiis la galay Habar Jeclo?

Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby Ceelafweyn » Wed Nov 09, 2011 10:55 am

HaragWafi85"]...................Wrote, whether Musa Ismaaciil is called Beesha Galbeedka Ceerigaabo or Beesha Waqooyiga/Bariga Ceerigaabo etc by different websites. They will continue to dominate the city and no we will not disarm ourselfs aslong as the Dhulbahantes in Fiqi Fuliye, Awrboogays villages of Sanaag are not disarmed.[/b]


HagarWafi: I thought you were little bit better than this! I guess you are not from SANAAG or Ceerigabo District which means you lack comprehension of ground situation. You already had week of disarray and Chaotic atmosphere in Erigabo and yet you claim dominance of a city where everybody lives! What makes a city or town is the colours of tribes that agree to reside along side each other. The fact of the matter is Dhulbahante, Warsangeli and along with Habar Jeclo and Habar Yonis live in the city. We may agree the approximity of each clan around Ceerigabo but remember this meant to be the capital of Sanaag which unfortunatly failed miserably after previous Goverment decided to award and give the city power to UDUB supporters!

You have to remember that Dhulbahante lives in sanaag, particularly the district of Erigabo at around Jiidale therefore this gives them the right to come to erigavo equally.

Hadii ay xabadu dhacdo ma taqaan qabiil..........................! live and let live is the best possible policy!

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby LiQaaye_TDH » Wed Nov 09, 2011 10:59 am

Hadaan Anigo Adan Madoobe ahi oo Ballidhaye Ethiopia Ka imi Ka Hadleyn Ceerigaabo, maxaad wax uga dhegeysanaysan Yar ka Yimi Oodweyne Agteeda... Nimanki Degaanka Ka Yimi ayaaba Jooge :up:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby SahanGalbeed » Wed Nov 09, 2011 11:08 am

"Plan" fiicaan bu soo ban dhigay Xaabsade.

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby LiQaaye_TDH » Wed Nov 09, 2011 11:10 am

"Plan" fiicaan bu soo ban dhigay Xaabsade.
Sahan what do You think about this new Political Parties?

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby SahanGalbeed » Wed Nov 09, 2011 11:11 am

Inadeer way farobateen , which was my initial fear . Society geenu caadiyan , waa iska tribal oo impulse control disorder baa ina wada haya . 3 dii xisbi e hore baa ila wanaagsana aniga .
Last edited by SahanGalbeed on Wed Nov 09, 2011 11:15 am, edited 1 time in total.

User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby HaragWafi85 » Wed Nov 09, 2011 11:14 am

Ceelafweyn Jidaali deegaan is shared between Urursuge,Yoonis Muse and Dhullos. Not sure if one can consider the two villages Fiqi Fuliye and Awrboogays as part of "Erigavo district" since they are more closer to Ceelafweyn district. When i said the city dominance i meant administratively the mayor shall remain Musa Ismaaciil since obvisiouly they are the majority in the Erigavo district which depends on golaha deegaanka, the governor of the region though is up to the government. Lastly i am not denying Dhullos rights laakin wa ina meesha edeb ku joogan and not come with that SSC nonsense.
Last edited by HaragWafi85 on Wed Nov 09, 2011 11:26 am, edited 1 time in total.

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby udun » Wed Nov 09, 2011 11:25 am

Ceelafweyn Jidaali deegaan is shared between Urursuge,Yoonis Muse and Dhullos. Not sure if one can consider the two villages Fiqi Fuliye and Awrboogays as part of "Erigavo district" since they are more closer to Ceelafweyn district. When i said the city dominance i meant administratively the mayor shall remain Musa Ismaaciil so does the governor of Sanaag anything less than that in the region Musa Ismaaciil shall contest it.
You have no presence in Jiidali, cut the nonsense asshole. You still running with 'domination' nonsense after what the world witnessed in Ceerigaabo in the past few days. Waryaa Sanaagna umaad dhalan nacnac aan dhamaanayna waad la wareegaysaa. Do you really think we care who you call a 'mayor?' Mark my word Dhulbahante will have their arms in Sanaag, and will viciously respond if any one preeches their territory.

Fyi you cuqdad-ridden asshole, Fiqifuliye and Awrboogays are districts and not 'villages' as you called it.

Btw, your obsession with Dhulbahante is beyond reach. Were your family remembers killed by Dhulbahante? Every day Dhulbahante this, Dhulbahante that. You sound like a man who could not take a revenge for his loss and all he can do is constant calaacal!

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby LiQaaye_TDH » Wed Nov 09, 2011 11:27 am

Inadeer way farobateen , which was my initial fear . Society geenu caadiyan , waa iska tribal oo impulse control disorder baa ina wada haya . 3 dii xisbi e hore baa ila wanaagsana aniga .
sax inadr, before i was in favor of opening the parties, but the way its going now, its out of order, every idiots wants to open their shid, but lets see how this turns out
...

User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby HaragWafi85 » Wed Nov 09, 2011 11:33 am

udun beenale the Jidaali tuulo might not be shared but the deegaan is which is why you are landlocked and have no access to the sea. :mrgreen: Yoonis Muse and Urursuge live to the north of Jidaali. I am very well aware of the clan settlements in Sanaag ima sheegaysid.

Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Xaabsade- Hubka Dhigid Beelaha SANAAG

Postby Ceelafweyn » Wed Nov 09, 2011 11:46 am

Hagarwafi, sxb waxaan ku lahaa uun arinka hala dejiyo waayo xabadu waxay sababtaa nolol xumo iyo nabadgelyo dari. Qofkasaa waa inu ka shaqeyaa horumarintaa Somaliland

Udun: Sxb maad inaga deysid xasaradan iyo dagaal dhiirigelinta ay wadaan qurbajoogtu Dhul. Xabada dhacdaa adiga kuma sameyneyso ee mid gudaha jooga ayaa waayaya habeenki hurdo la'aan iyo nolol xumo. Remember people from the same area are share the same blood and stakes are alot higher when the bullots start to role within your own town.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 22 guests