Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SSC party rejects Muse Bixi allegations

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Fri Nov 11, 2011 3:45 pm

Muuse Biixi wuxu yidhi
Dhacdadii Ceerigaabo wuxuu ahaa shirqool aysoo maleegeen kooxda SSC oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland. Xisbiga KULMIYE wuxuu qaranka iyo qoysaska ayka baxeen ka tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay shirqoolkaas.

Marka aynu dhuuxno ujeeddada shirqoolkan wuxuu lahaa laba ujeeddo:


1.Inay iska horkeenaan beelaha walaalaha ah ee dagan Sool iyo Sanaag.


2.Inay iska horkeenaan beelaha bariga Somaliland iyo xukuumaddooda.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku bogaadinayaa shacbiga gobollada Sool iyo Sanaag, maamulka Gobolka Sanaag, waftiga dawladda ee heer qaran iyo ciidammada qaranka ee sidii xilkasnimada iyo geesinimada lahayd ee ay uga hortageen shirqoolkan iyo siday u sugeen ammaanka gobolka.
Kayse Cabdi baa u jawaabay oo wuxu yidhi , ayaad sheegaysa de ? :lol:
Xukuumadda Xalayto Ka Hor Waxaanu Moodaynay In Aanu Wada Socono, SSC Cid Ku Abtirsata Oo Waligeed Dagaal Ceerigaabo Ka Gashay Ma Jirto, Ciidankayagii Iyo Tiknikadayadii Isaga Oo Aan Qaran Ahayn Hargeysa Ayuu Ku Joogaa Gogosha Nabada
Sidaad la socotaan dhacdadaa iyada ah waxa ay ku bilaabantay xurguf labada beelood u dhaxaysa waana iska dabiici ama wax la arki jiray weeyaan, waa wax ka fog in la siyaasadeeyo waa wax ka fog in la faragaliyo qof kasta oo arxan leh oo damiir wadaniyadeed iyo Muslim-nimo leh inuu taa wanaag ku dhex galo oo hawshaa dadka wada dega wax ka qabto mooyaane inuu (infection) ku abuuro oo uu dhibaato kale sii galiyo, waxaanu u arkagnaa shay nasiib daro ah

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Fri Nov 11, 2011 3:49 pm

waxa u yidhi o kale kayse cabdi
“Xalay waxa cusbaa ee dhageheena ku cusbaa waxa uu ahaa hadal aan kolay runtii aanan anigu jeclayn inuu ka yimaado af nin oday ah af nin masuul ah, madaxda loo hanweyn yahay ka mid ah, dalkan macne iyo taariikh ku leh sida Muuse Bixii oo kale, Muuse Biixi Xalay waxa uu yidhi dagaalkaa waxa ku lug leh Ururka SSC oo fadqalalo iyo fidno ka dhex wada labadaa beelood ee walaalaha ah, wuxuu sheegay in maxaabiis SSC laga hayo, wuxuu sheegay in meelo kale laga soo diray, wuxuu sheegay in SSC ay tahay ta midnimada iyo horumarka iyo jiritaanka Somaliland cadow ku ah, aad baan uga xumahay. Waxaanu u aragnaa eedaynta guddoomiyaha hadalada la isticmaalo wakhtiga doorashooyinka oo kale ee xisbiyadu isku celceliyaan anagu hadda xisbi ma nihin, urur siyaasadeed cusub baanu nahay shalayna urur dagaal ahaa, shaqadii nabadeed iyo wixii la qabtay iyo gogoshii Madaxweynuhu dhigay ka bacdi, la isla gartay inu isku bedelo urur siyaasadeed, urursiyaasadeedkaasi inuu bari ka mid noqdo Asxaabta siyaasadeed ee qaranka ee dalka u tartamaysa, taas oo hadafkayagu ahaa ama hadafka ururku yahay in hadii aanu qoriga u qaadanay tabasho, hadaanu u dagaalamaynay tabasho, hadii kuwa aanu wax wada leenahay is haynay oo aanu is dilaynay, haddii kuwa aanu wax wada leenahay wax ka tabanaynay in aanu maanta tabashadayadii aanu u marno dariiqa siyaasada, dimuqraadiyada iyo habka asxaabta oo wixii aanu qoriga ku doonaynay aanu ku qaadano cod ee aanu qaadanay ee aanu iibsanay ee aanu doonaynaa taa weeyi, waxaanu xisbiyada qaranka Somaliland, waxaanu ka filaynay inay na soo dhaweeyaan inay nabada aanu wadno iyo gobolada ku maqnaa tabashada ee hadda aanu matalayno ee ururkii dagalamayey ee aanu shalay ahayn aanu urur siyaasadeed isku bedelnay inay nagu gacan siiyaan baanu filaynay, waa markii labaad ee Saxaafada Xisbiyada Qaranku noo isticmaalaan iyaga oo Erayga SSC isticmaalaya, waa nasiib daro, waanu leenahay anagu xisbiyada qaranka ee hadda jira waanu ixtiraamaynaa, kuwa cusub ee hadda yimidna waanu ixtiraamaynaa, hadalada wakhtiga doorashada la isticmaalo ee noocan ahna, waa Nuclear bay ahayd, hadalada Nuclearka ah ee noocan oo kale ah anagu ma qaadi karno walaalayaal waanu cusubnahay, markaanu idinka idin leekaano ee aanu xisbi weyn noqono oo aanu xisbi qaran noqono aad ka baqdaan inaanu dee Madaweynaha iyo Raisal baarlamaanka idinku qabsano, markaa dee Nuclear-kan oo kale isticmaala, laakiin hadda maya,waxa uu ahaa hadalkaasi hadal lagu bedelayo, lagu xumaynayo, lagu madoobaynayo sumcada iyo hanka iyo dhabaha cusub ee siyaasadeed ee ururkan SSC uu hayo waxay ahayd mid nalagu kala dilayo anaga iyo shacabka reer Somaliland,
Waa runti !! Ina Bixi waa qaldan yahay wallahi .

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Fri Nov 11, 2011 3:52 pm

Wuxu ku daray kayse
waxaanu leenahay shacabka reer Somaliland waxaanu nabada ceelalyo aniga iyo ragii ila socday ugu nimid bishii march 13-keedii ilaa 14-keedii, laga bilaabo maalintaasi aanu soo galnay SSC haba yaraatee wax dagaal ah oo ay gashay ma jirto, intii ay ka dagaalami jirtay gobolada bari waa laga ogyahay, Ciidamada halkaa joogaana way ogyihiin, SSC waxay samaysay ciidankeedii, Hubkeedii iyo Tiknikadeedii way soo galisay, Ciidankayagu waxa uu joogaa isaga oo ciidanka qaranka ka mid ah Laascaanood, wuxuu joogaa isaga oo aan la qaramayn Laascaanood, wuxuu joogaa ciidankagyadii iyo tiknikadii isaga oo aan qaran ahayn Hargeysadan aynu maanta joogno, wuxuu ku joogaa waa system-kii iyo hanaankii nabadeed iyo habkii loo waday gogosha ayuu ku joogaa, ciidan dagaal ku jira oo tiknikadiisii ay ku jirto gudaha Somaliland oo ay ciidamadii Somaliland meel wada yaaliin in la yidhaahdo dagaal ayay ku jiraan, waxaan u arkaa hadal nasiib daro ah oo mooral jabinaya cid kasta oo wanaag ka shaqaynaysay,

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Fri Nov 11, 2011 3:53 pm

cid kata oo soo dhawaanaysayna sii didinaya, ururka SSC ceelalyadii uu ku yimid, waxaanu ku nidhi dadkii qoriga noo dhiibay wixii aad qoriga noogu dhiibteen waxa lagu helayaa wada hadal, adeer waa nalaga aqbalay oo waxa ay keentay in 20-kii bishii lixaad in shir lagu qabto magaalada Widhwidh, shirkaas oo ay ka soo baxeen sideed qodob. xukuumadda xalayto ka horow waxa aanu moodaynay in aan si wacan u wada socono oo aanu arintaa uga wada socono, waxaanu leenahay arintaasi wax noo qalma maaha wax dagaal ah oo haba yaraatee SSC cid ku abtirsata urur ahaan oo ay ceerigaabo ka gashay ma jirto, Ceerigaabona waligeed SSC ka dagaalanta lama arag mana jiro, Ceerigaabo laba reer oo walaalo ah oo wada yaal ayaa isku dilay, laakiin kun reer oo kale ayaa la yaal, dee cidaa meesha ka dagaalamaysay iyo cidaa dawladdu doraad la dagaalamaysay waa la arkayey, haddii dalwaddii intay gacanta saartay oo laba dii beelood ee is dilay mid ka mid ah ay doonayso inay cover nagaga dhigto oo wixii dhacay ay nagu shaambadayso adeer maya, waliba waxaan idin sheegayaa maxaabiis nalagama hayo anaga, maxaabiistaasina waa labada dii beelood ee is dilayey mid ka mid ah oo degaanka u dhashay oo ina cali iyo ina cumar loo garanayo, laguma sheegi karo maxaabiis SSC ah. Barito oo khamiis ah waxa dhici lahayd xaflad Hargeysa ka dhacda oo aanu taageerayaashayada ku kala war qaadano, nasiib daro xalay fulkaanihii dhacay wuxuu dhacay in taasi dib u dhaco shirkayagaasi, waxa loo jeedayna waxa ay ahayd intaa iyo wax la mid ah. Ilaa iyo intii aanu soo galnay wax dagaal ah oo dambe may dhicin, balse haddii ay wax dhacaan anagu kuma jirno, waa wax la abuuray oo ay hadaladaasi abuureen, laakiin intii aanu anagu gacanta ku haynay, wax hore u jriay ma jiraan wanaa la ogyahay”.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Fri Nov 11, 2011 3:57 pm

War horta Ina Biixi , Emperior uun ba halkan ina hor mar-mariya e , waa iska ZERO walle :lol:

Anigu horaan idinku sheegay asaxaabey , maalintii laga dhawaaqay ururkan SSC dhalashadiisi magaalo maddax da Hargeysa inaan taageerayo .
I am a man of my word
walaa sacad muuse , walaa " steven " muuse , cidna u joojin maayo 8-)

Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby Saraxnow » Fri Nov 11, 2011 7:51 pm

:lol:

Its normal for two parties to criticize each other.

samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby samadoon-waaxid » Sat Nov 12, 2011 7:14 am

:lol: :lol: :lol:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Sat Nov 12, 2011 11:12 am

Saraxnow , I think Muse Bixi doesn't know who he's playing with .

Salaama caleekum , aniga oo ah Sahangalbeed , ah na af hayeenka xisbiga SSC e u fadhiya gobolada galbeedka maraykanka , waxaan raba inaan u mahad celiyo Muse Biixi o halku jecla inu sumcada inaga dilo , fursad inagu siiyay inaynu isku so hor ban dhigno shacab weynaha reer Somaliland .
In politics you NEVER take a shot @ somebody who is behind you in the polls , mr Bixi needs to learn that , unfortunatley the hard way as it seems :lol:
Waxaan raba halkan na inaan ku hambaliyayo mudane Kayse Cabdi oo ah maddaxa xisbiga SSC iyo sida wacan e u ugu jawaabay eedaynta ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

SSC Party , stand with us so we shall be !
SSC Party , strong in Peace and Unity !

SSC Party , stand with us so we shall be !
SSC Party , strong in Peace and Unity !
SSC Party , stand with us so we shall be !
SSC Party , strong in Peace and Unity !
copyright SSCparty 11/12/11
Image
:clap:


^ haddaba markhaati ka noqda reer Somalilandow , anaga aya iska leh slogan-kan , wixii "copy" garaysta , maxkamad baynu hor taagayna :lol:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Sat Nov 12, 2011 12:11 pm

Caynaba X , inadeer arrintan maxay ku la tahay adiga ? :lol: bal wax miyaad ka sheegi karta ?

User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby CaynabaX » Sat Nov 12, 2011 12:36 pm

Sahanow ina adeer dee ina bixi runta u sheegay . So basicly nikani is denying the fact that kooxda argagaxisoda SSC la yidhaado where behind the skirmishes in Ceerigaabo? I don't believe that some Ceerigaabo locals who aren't affiliated with SSC where responsible for weerarka ay ciidanka qaranka ku qadeen. Ma Kaysoo maroodi jeex jooga wuxuu gadhanaya raga imika buhoodle jooga waxey damacsanyihiin? May somaha? Laakinse, I agree with you dat ina bixi didn't had to yell this infront of the media.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Sat Nov 12, 2011 1:07 pm


Sahanow ina adeer dee ina bixi runta u sheegay . So basicly nikani is denying the fact that kooxda argagaxisoda SSC la yidhaado where behind the skirmishes in Ceerigaabo? I don't believe that some Ceerigaabo locals who aren't affiliated with SSC where responsible for weerarka ay ciidanka qaranka ku qadeen. Ma Kaysoo maroodi jeex jooga wuxuu gadhanaya raga imika buhoodle jooga waxey damacsanyihiin? May somaha?
Maye waa HAA jawaabteydu , wu ka war haya , isaga ayaaba ka mid aha kuwi Somaliland diidana e , sidaanu u ogayn ?

Horta markaad ledahay
Ma Kaysoo maroodi jeex jooga wuxuu gadhanaya raga imika buhoodle...
Ina Biixi , halku isagu jooga? aqoonta u u leeyahay Sool iyo Sanaag na , maxa la yidha ?

Xisbigan Kulmiye waa xisbi qabyaalada ku dheereeya , o anigu aqoonta aan u leeyahay marka ay doorashooyin -ku inagu soo food qabtaan , ban ka warami doona haddu Alle yidha . Anagu haddeynu nahay SSC party , xisbi cusub baynu nahay o de we're not looking for enemies at this point , ma' ogtahay :lol: , laakin idinku haddaad Kulmiye taageersan tihin , waxaa idin ku haboon inaad qalad- kiina qirataan .

SSC Party : stand with us so we shall be , strong in Peace and Unity !
Last edited by SahanGalbeed on Sat Nov 12, 2011 3:06 pm, edited 1 time in total.

User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby CaynabaX » Sat Nov 12, 2011 1:29 pm

Kaysa ma abtiga ba, aan yara kula kaftamee. :mrgreen:

Kulmiye dee SM baa madaxtooyada soo fadhiisiyay.:mrgreen: Dee sahano Arabsiyo ka yimi sidee uu arintani u gadhanwaayay? :mrgreen: Horta marku Ina bixii yidhi dhacdadii ceerigaabo wuxuu ahaa shirqool aysoo maleegeen kooxda SSC oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland. Ma qabyalaad mu mujaahdikani ku hadlay? You don't have to associate kooxda SSC (buhootle) with Dhulbahantenimo or something just a ragtag militia fighting a lost war...

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: SSC party rejects Muse Bixi allegations

Postby SahanGalbeed » Sat Nov 12, 2011 1:54 pm

Inu dhulbahante yahay ayuun baan ogahay e , wuxu ka sii yahay ma' ogi wallahi .
Midda labaad , anigu reer Arabsiyo baan ahay , waana runta oo SM baan ahay , laakin weligey siyaasad ku ma raaco qabyaalad anigu .
Cala ii xaal , ciyaari waa inoo geli danbe , SSC party we're on the map !


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 24 guests