Page 1 of 1

Mayors of 6 Sland cities to attend development related confe

Posted: Sat Nov 19, 2011 9:44 pm
by HaragWafi85
Mayors of 6 Somaliland cities flew from Somaliland Hargeysa today to attend a development related conference (Joint Programmes) that is to be held in Uganda for 4 days, on the outcome some development projects funded by the UN might be implemented in those areas of Somaliland in the upcoming months. The mayor of Hargeysa Mr Jiciir previously also went to Vancouver Canada and Brazil for development related things.

1.Mayor of Hargeysa
2.Mayor of Borama
3.Mayor of Burco
4.Mayor of Oodweyne
5.Mayor of Berbera
6.Mayor of Sheikh


http://oodweynenews.com/news/122055-maa ... ganda.html

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 2:37 pm
by HaragWafi85
DAAWO- Shir Caalimi ah Oo Ku Saabsan Mashaariic Aad U Muhiim Ah Oo Laga Fulinayo Somaliland Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Hay’ado Caalami ah Iyo Deeq Bixiyayaashu Oo Ka Dhacay Kampala.
(Hadhwanaagnews) Friday, November 25, 2011
Kampala-(HWN)- Masuuliyiin sarsare oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland oo isugu jira Wasaarado iyo Maayaro oo maalamahanba ku sugnaa caasimada dalka Uganda ee Kampala oo ay kaga qayb galayaan kulan

Kampala-(HWN)- Masuuliyiin sarsare oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland oo isugu jira Wasaarado iyo Maayaro oo maalamahanba ku sugnaa caasimada dalka Uganda ee Kampala oo ay kaga qayb galayaan kulan sanadle ah oo lagu lafo guro mashaariic horumarineed oo ay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee loo yaqaano Implementing Agenceis-ka iyo dalalka deeq bixiyaayshu ay ka fulinayaan Somaliland ayaa ka xog waramay natiijooyinkii ka soo baxay shirkan, iyo ajandayaasha lagaga wada hadlay.

Image


Kulankan ay Kampala ku wada yeesheen labada dhinac oo ay Somaliland uga qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha, Agaasimiha Guud ee Wasaarada Qorshaynta, Duqa caasimada Hargeisa, Maayarada magaalooyinka Burco, Berbera, Boorama, Gabilay. Oodweyne iyo Sheekh iyo sarkaal sare oo ka tirsan Wasarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxaanay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii anbaqaadi lahaa fulinta qorshayaasha mashaariicda hada loo qoondeeyay iyo qiimaynta waxyaabihii ka fulay qorshayaashii la hirgeliyay sanadkii hore.


Image

Image

Masuuliyiintan ka socday Somaliland oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Huteelka caalamiga ah ee Nakumat oo u waramayay Wariyayaasha Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) iyo Khadar Bitijoor oo ka kala socda Shabakadaha wararka Ee Hadshwanaagnews, Togaherernews, iyo SLNTV, ayaa si qoto dheer uga faahfaahiyay ujeedooyinka uu shirkan lagaga wadada hadlay, mashaariicdii fulay iyo qaabka loo fulinayo qorshayaasha mashaariicda la qoondeeyay in sanadkan la fuliyo.

Ugu horayn Duqa caasimada Somaliland ee Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir,ayaa si qotodheer uga warbixiyay shirkan ayaa sheegay shirkan ay wada yeesheen guddi labada dhinac matalaysa oo shookaanta u haysa mashaariicdan oo loo yaqaano (Steering Committee), oo ka kooban qaar ka mid ah maayarada Dawalada hoose ee magaalooyinka Somaliland, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Qorshaynta, iyo Maaliyada iyo hay’adaha caaalamiga ah iyo deeq bixiyayaasha oo kala ah ILO,UNICEF,UNDP, UN-Habitant, UNCDF,USAID,DFID UK, EC, Norwey, Denmark, Swedan iyo Italy, kuwaas oo uu xusay in sanad walba ay si wadajir ah u wada qorsheeyaan fulinta hirgelinta mashaariicda sanadlaha ah ee loo yaqaano Joint Programme, kuwaas oo ku saabsan tayanta Capacity-ga Wasaarada Arrimaha Gudaha si ay u hanato maamulka iyo isku xidhka dagmooyinka dalka iyo in degmooyinka la baro sidii ay mashaaricda u samaysan lahaayeen una hanan lahaayeen adeegyada kala duwan ee asaasiga u ah nolosha bulshada iyo kor u qaadista maamul wanaaga.


Image

Image

Eng Mayor Jiciir, waxa uu tibaaxay in mashruucan lagu bilaabay markii ugu horaysay sanadkii 2008-dii degmooyinka Berbera iyo Borama, ka dibna si fiican oo midho dhal ah loogu guulaystay hirgelinta mashaariicdii loogu talo galay taas oo sababtay in lagu soo daro mashruuca Afar degmo oo kale waxaanu sheegay in sidii fiicnayd ee loogu guulaystay fulinta mashaariicdii Lixdaa degmo loo qorsheeyay sanadkii hore taas oo hadana keentay in sanadkan lagu soo daro degmo cusub oo noqotay Degmada Gabilay, waxaanu xusay in sanadka 2013-ka la qorsheeyay in degmooyinka Somaliland ee mashaariicdan laga fulinayo in tiradooda la kordhiyo Shanta sano ee soo socda, waxaanu sheegay in Mashaariicdani ay yihiin kuwo aad u muhiim ah maalgelintoodana la gaadhsiin doono Malaayiin iyo malaayiin Dollar.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland Cabdirashiid Axmed Guuleed, ayaa isna sheegay in shirkan lagu gorfeeyay sidii qiimayn loogu samayn lahaa qaabkii ay ay u fuleen mashaariicdii la jaangooyay fulintooda sanadkii hore iyo fulinta mashaariicda sanadkan, waxaanu tibaaxay in ay hir dhigeen shirkan wax ka qabashada dhamaan baahiyaha aasaasiga ah ee ay bulshadeenu u baahan tahay isaga oo ku amaanay Mayarada iyo dawlada hoose doorka ay ka qaateen fulinta mashaariicdan wax ku oolka ah.

Geesta kale, Maayarka magaalada Gabilay Khadra Xaaji Geydh ayaa iyana sheegtay sida ay ugu faraxsan yahay in lagu soo daro Degmada Gebilay mashaariicdan, waxaanay sheegtay in sida qorshahu yahay laga hirgelin doono Degmada mashaariic badan oo ay ku baxayso 216 Kun oo Dollar.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee S/land Cismaan Garaad Soofe, ayaa si weyn uga hadlay muhiimada ay mashaariicdani u leedahay horumarka nolosha ee dadka iyo dalka waxaanu ugu bushaareeyay Shacabka Somaliland in ay hay’adihi iyo deeq bixiyayaashi mashaariicdan waday ay ku qanceen nabadgelyada, maamul wanaaga iyo horumarka ay Somaliland ku naaloonayso awgeed in ay ka aqbaleen in sanadka danbe lagu qabto shirkan caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyada oo shirarkii hore ee kuwan la midka ahaa lagu qaban jiray dalalka dibadaha gaar ahaan caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Wasiirku waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Maayarada iyo dawlada hoose ee mashaariicdan suurta galiyay fulintoodu ay sabab u yihiin in la kordhiyo maalgelinta mashaariicdan iyo tirade degmooyinka laga fulinayaba.

LA SOCO SAACADAHA SOO SOCDA WARKAN OO MUUQAAL VEDIO AH OO FAAHFAAHSAN IYO SAWIRO DHEERAAD AH.

Hadhwanaagnews/Office

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 2:38 pm
by abdikarim86
The UN is absolutely useless

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 2:39 pm
by accident
Atleast they fed 6 Mayors.

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 2:42 pm
by HaragWafi85
7 Mayors attended since the mayoress of Gabiley Marwo Khadra Haji Gaydh was also later included.

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 3:57 pm
by samatar133
talow, why mayor of sheikh or Odweyne included when bigger cities are missing?

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 5:58 pm
by LiquidHYDROGEN
They look like they're having a family meal at a diner. There's nothing official looking about it except the mismatched ties and suits. :lol:

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 6:30 pm
by Saraxnow
Travel and hotel expenses paid by who? If its the government, then it would have been better if it was somehow held in SL.

But hopefully the Mayors actually make use of their stay and bring something back.

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 6:44 pm
by LiquidHYDROGEN
Can I ask what the purpose was for going to uganda to have a meeting to do with domestic affairs, other than waste money on airline tickets? :?

Re: Mayors of 6 Sland cities to attend development related c

Posted: Fri Nov 25, 2011 6:50 pm
by HaragWafi85
abdi.ismail because the annual Joint Programmes was held there this year. Everything can't not be bought to your doorstep you have to get it sometimes, besides they are mayors anyway it's part of their job to travel to attract investments for their cities and implementing projects.