Meherkii Ugu Miisaanka Cuslaa Somaliland oo Kulmiyey Siyaasiyiin kala baaday, Mujaahidiin aan muddo is arag iyo Masuuliyiin Wakhtigu kala fogeeyay.
Xafladii Ugu Maamuuska badnayd ee taariikhda ka gashay somaliland taasi oo Loogu Dabaal dagayay awlaada Mujaahidiinta dalka... Daawo Sawiradda
Hargeisa (GNS)-Meherkii ugu miisaanka Cuslaa uguna xiisaha badnaa Somalilanad ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladda Meherkan Mustafe Mujaahid Maxamed Xasan (Mustafe Gacmadheere) iyo Hodan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka soo qayb galay dad tiradoodu gaadhayso 370 qof oo isugu jira Hormuudka Bulshada noocyadeeda kala duwan, waxaana ka mid ahaa Dadka ka soo qayb galay oo u badnaa Masuuliyiin ka kala socday Xukuumadda, Xisbiyada kala duwan, Ururada Siyaasada, Salaadiin, Ganacsato iyo Marti sharaf kale oo kala ahaa, Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid C/raxman Aw Cali Faarax (Tolwaa), Mujaahid Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhagawayne), Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, C/raxman C/qaadir, Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, Sh.Maxamed sh.Cumar Dirir, X.C/kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), Wasiirka Caafimaadka Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog), Gudoomiyaha Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil, Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, Maayar ku Xigeenka Caasimada Maxamed C/laahi Uurcadde,Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Muj.Faysal Kaamil Ciise, Maamulka Dallada Sonyo iyo Xildhibaano tiro badan oo ka tirsan labada Gole baarlamaan. Sidoo kale Masuuliyiinta ku kulmay Meherkan waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ay isugu dambaysay in ay madal soo wada fadhiistaan dhawr bilood ka hor markii Xisbiga UCID ee ay ku wada jireen isku Khilaafeen isla markaana Maxkamadu U xukuntay Eng.Faysal Cali waraabe.
Xaflada Meherkan oo Kulmisay Siyaasiyiin kala baaday, Mujaahidiin aan muddo is arag iyo Masuuliyiin kale oo Wakhtigu kala fogeeyay ayaa noqonaysa Xafladii Ugu Maamuuska badnayd ee taariikhda ka gashay somaliland taasi oo Loogu Dabaal dagayay awlaada Mujaahidiinta dalka usoo halgamay, kuwaasi oo qiimo iyo Maasuus gaar ah ka mudan Shacabka reer somaliland. Caruuska Meherkan oo uu dhalay Alle Ha unaxariistee Mujaahid Marxuum Maxamed Xasan Aadan (Gacma-dheere) oo baal dahab ah kaga jiray Taariikhda ururkii Xaq udirirka somaliland ee SNM, Marxuumka oo ay Saaxiibo dhaw ahaayeen Muj.Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta madashan loogu dabaal dagay Awlaadii ay Dhaleen oo Calafku kulmiyay.
Xaflada Meherkan oo ka duwanayd Dhamaanba qaabka Meheradda ka dhaca Somaliland ayaa waxaa Madasha ku kaftamay Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin kala baaday oo ka soo kala jeeda axsaabta iyo ururadda siyaasadda somaliland taasi oo meesha ka saartay kaftankii reeraha ee lagu yaqaanay Xafladaha meheradda, sidoo kale waxaa Madashu kulmisay Masuuliyiin siyaasadda ku coloobay oo aan Muddo Madal wada fadhiisan kuwaasi oo ka sinaa Dareenka soo dhawaynta iyo Damaashaadka Meherka Awlaada Mujaahidiinta.
Mucjisooyinka Meherkan ugaarka ahaa Waxaa ka mid ah Gabaatiga oo Goob kaliya loogu wada Qaybiyay Gacalkii iyo Xigaalkii oo Noday dhamaantood Dad miisaan Culus ku leh somaliland oo Meel wax kuwada qaybsada iyada oo aan loo kala eegayn Madax iyo Mijaba.
Odayga ugu da’ada weyn Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ILAAHAY uga barayey Qoyskan cusub inuu ka dhigo kii lagu nasto ee lagu nagaado.Dhinaca kale Xaaji Cabdi Waraabe ayaa Bulshada uga digay in ay Ururada la furayo ka dhigtaan mid ay ku raacaan hab Qabiil, isaga oo sheegay in taasi dib u dhac ku keenayso Dalka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan umadda uga digayaa in ay Ururada cusub ee ay furayaan ka dhigaan qaar Qabyaalad ku dhisan, waxaanan leeyahay Qabyaalad ha ku raacina Urarada.”
Meherkan kulmiyay Masuuliyiintii ugu Miisaanka Cuslaa Somaliland ayaa waxaa Haddalo Kaftan iyo dardaaran ah ka soo jeediyay Muj.C/raxman Aw Cali Faarax, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, Waxaanay Duco iyo Dardaaranba usoo jeediyeen Qoyskan Cusub oo ay illaahay uga Baryeen inuu ka dhigo Qoyska Barwaaqooba.
Dhamaan Masuuliyiintii iyo dhalinyaradii ka qayb gashay Xafladaasi ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Meherka: Mustafe Mujaahid Maxamed Xasan (Mustafe Gacmadheere) iyo Hodan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Waxaanay illaahay uga Baryeen inuu Aqal Galkooda ku Gaadhsiiyo Bash bash iyo Barwaaqo, Awlaad khayr qabtana kala siiyo, Aamiin, Aamiin.
Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Gabiley News Office
Hargeisa Somaliland
mccfuture@hotmail.com