Wariye ka tirsanaa TV-ga Horn Caple oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho
Nin ku labisnaa dareyska ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya ayaa galabta si bareer u ugu toogtay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho wariye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa TV-ga ku hadlo afka Soomaaliga ee Horn Caple.
Marxuumka oo si weyn loogaga yaqaanay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ninka dilay uu rasaas madaxa kaga dhiftay xilli uu gaari uu watay wariyaha ku baarkimayey dhismo u dhaw Hotel Madina ee degmada Xamar Jajab.
Goobta lagu dilay waxa ay in yar u jirtaa xafiiska TV-ga Horn Caple ee magaalada Muqdisho, waxaana isaga oo dhaawac ah C/salaan Xiis laga qaaday goobta, hase yeeshee waxa uu dhintay daqiiqado kadib.
Alla ha u naxariistee Xiis ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berito ah lagu aaso magaalada Muqdisho.
Waa warihi ugu horeeyey ee sanadkaan sii dhamaanaya lagu dilo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Horseed Media




