Dhakhaatiir u dhalatay Wadanka Iran kana Hawlgalaysa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo maanta Soo gaadhay Hargeysa
Hargeysa/ToggaHerer 22 Dec 2011
Dhakhaatiir u dhalatay Wadanka Iran kana Kooban Toban Ruux kuwaas oo iskugu jira Shan Dhakhtar iyo Afar kal kaaliye iyo hal Engineer ayaa maanta Dalka Yimi .
Dhakhaatiirtan ka timid kana socota wadanka Iran ayaa waxa dalka Keenay Star Group oo u hawlgalay in ay dalka Yimaadaan.
Mr Ismaaciil Cagaweyne oo ah Masuulka Shirakadda Star Group of Companies iyo Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Cabdi Nuur ayaa Dhakhaatiirtan ku soo dhaweeyey Madaaarka Hargeysa.
Dhakhaatiirtan ayaa isugu jira Dhakhaatiirta Caruurta , Dhakhaatirta Qaliinka iyo Kuwa Guud , Dhakhaatiirtan ayaa la Filayaa in ay ka hawlgalaan maalinta Sabtida ah Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Halkan Ka dhagayso Ereyada ay Ka jeediyeen Imaatinka Dhakhaatiirta Iran Masuuliyiinta Star Group, Wasaarada Caafimaadka iyo Dr Mansour oo ereyo Mahadnaq ah jeediyey iyo imaatinkooda.
http://www.togaherer.com/wp-content/upl ... r-Iran.jpg