Page 1 of 1

sh bashir yusuf 'bisinka xoog halagu daro'

Posted: Mon Jan 02, 2012 8:02 pm
by Somaliman50
Image

afqalooc markuu maqlay geeridii sh bashiir ayuu gabaygaan ka tiriyey xaalada
Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe

-Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane

Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene

-Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide

-Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye

-Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey

-Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna

-Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene

-Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene

-Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.

-Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye


-Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye

-Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye

-Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey

-Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede

Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

Re: sh bashir yusuf 'bisinka xoog halagu daro'

Posted: Mon Jan 02, 2012 8:08 pm
by The_Emperior5
Image

The legendary poet and freedomfighter xaaji adan afqalooc

Re: sh bashir yusuf 'bisinka xoog halagu daro'

Posted: Tue Jan 03, 2012 12:34 pm
by BankiiTuuyo
xaaji afqalooc was mauled by a lion as an infant survived his boat sunk in the middle of the ocean as a teenager and almost made into a slave again he survived because somali sea men recognizes that he was somali and saved him and sold him back to his family eventually here in america they say only the strong survive what an adventure ilaahay ha u naxariisto halyey wadani poet xaaji afqalooc rageedibu aha :up: