Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Suldaan Maxammad suldaan Abdilqadir sides with Jamaal.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Suldaan Maxammad suldaan Abdilqadir sides with Jamaal.

Postby The_Emperior5 » Fri Jan 06, 2012 11:04 am

“Waxaan Leeyahay Khilaafka ka soo Baxay UDUB Waxa ka Muuqda in Daahir Rayaale Burburin Wado”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Last Modified: Fri 06th Jan,2012
Hargeysa (Jam)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah madax-dhaqameedyada caanka ah ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale Kaahin inuu wado qorshe uu ku burburinayo xisbiga UDUB.
Suldaan Maxamed oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay huteelka Fish and Steack ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha UDUB ee ku adeegsaday warqadad uu e-mailka ugu soo diray ku-xigeenkiisa ay muujinayso talo uu khilaaf kaga dhex abuurayo xisbigaas.

“Guddoomiyaha UDUB sidii xilka dalka u tiriyey markeliya ayuu soo noqday, waxaannu igmaday oo ku-sime guddoomiye ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin. Kadib waxa dhacday markii xisbiga UDUB isu yimi ee Ku-simaha guddoomiyuhu qabtay shirkii guddida fulinta go’aamadii ka soo baxay waxay noqdeen ninkii murrashax madaxweyne doonayaa inuu lacag kayd ah oo $300,000 kun oo dollar ah keeno, arrintaasna soo jeedinteeda waxa iska lahaa sida la sheegayo Cali Maxamed Warancadde.

Dabcan, xisbigu wuxuu leeyahay shuruuc iyo xeerar uu isku maamulo oo wax walba ku qeexan yahay oo ay ku cad yihiin. Markaa anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo khilaafka ka soo baxay xisbiga waxa ka muuqda in Daahir Rayaale burburin wado, waayo sababta la leeyahay email ayuu u soo diray Axmed Yuusuf Yaasiin e-mailka marka kombuyuutarkaagu furan yahay waad arki kartaa, laakiin markaad kombuyuutarka xidho e-mailka waqtiga aad furto laba ama saddex casho ka bacdi ayaad arki kartaa, markaa Daahir ma bakhaylnimo ayaa ku kellftay, illeyn wuu haystay telefoonno inuu la soo hadlo ayaa ka qurux badnayd? Laakiin waxaan u arkaa in e-mailkaas isku dhufasho xisbiga gudihiisa ah in talladeedu ahayd,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaanku waxa uu waxa uu sheegay in Daahir Rayaale uu sabab u ahaa in Jamaal Cali Xuseen shaqadiisa ka yimaado oo uu iska sharraxo xisbiga, balse waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay sababta loo mucaariday, waxaannu yidhi; “Jamaal Cali Xuseen isagaa bixiyay wixii murashaxnimadiisa shuruud ah ee lagu xidhay markii hore ee Daahir Rayaale madaxweynaha ahaana isagaa u yeedhay Jamaal Cali Xuseen. Markii madaxweynihii hore safarka ku tagay Kenya madaxdii iyo dadkii uu kula kulmay waxa u diyaariyay Jamaal Cali Xuseen, maalintaasi ayuu ku yidhi soogal xisbiga si aad hadhow murrashax uga noqoto. Markii uu ku guulaystay go’aankii Guddiga Fulinta raggii keenay shardiga ee uu ka mid yahay Cali Maxamed Warancadde ayuu haddana xisbigii ku kala jebinayaa. Waxaan leeyahay xisbiga UDUB waa mid umadeed ee maaha xisbi reer leeyahay.”

“Waynu ogayn oo markii xghayihii hore ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale uu dhintay waa kii Jug-soo-dhacay oo reer Jabuuti ah meesha la fadhiisiyey xeer ay hore u dhigteen oo UDUB ku tallaabsatay ayuu ahaa, maxaa markaa looga hadli waayey? Jamaal Cali Xuseena shuruuddii lagu xidhay markuu ka soo baxay maaha in mucaaradad lagala horyimaad ee in lagu hambalyeeyo ayey ahayd,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

waayeel101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2799
Joined: Mon Aug 30, 2010 7:15 am
Location: Anigoo dhar cad soo ma dhuuman karee dhurwaayow ma soo hagoogtaayeey

Re: Suldaan Maxammad suldaan Abdilqadir sides with Jamaal.

Postby waayeel101 » Mon Jan 09, 2012 1:03 pm

ma kana weli idin suldan ah :?:
Image

ma odayga xafadaha khawisaya!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests