Postby Khalid Ali » Wed Feb 01, 2012 11:41 am
(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 31, 2012
Hargeysa(HWN):Mujaahid Maxamed Xuseen Muxumed (Jagac), ayaa maanta dhagax dhigay taallo lagu Xusaayo Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo mid ahaa Sandaladaha ugu faca-weyn Somaliland.
Hargeysa(HWN):-Mujaahid Maxamed Xuseen Muxumed (Jagac), ayaa maanta dhagax dhigay taallo lagu Xusaayo Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo mid ahaa Sandaladaha ugu faca-weyn Somaliland.
Alle ha naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo taalladan loogu magac-baxay waxa uu hormuud u ahaa, isla markaana ahaa Suldaankii ugu horeeyey ee ka dhiidhiyey tacadiyadii ay Xukuumadii Kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre ku haysay Shacabka reer Somaliland, waxaanu wakhtigaas noqday Suldaankii ugu horeeyey ee ka mid noqda Ururkii dhaqdhaqaaqa halgankii lagu xoreeyey Somaliland ee SNM.
Sidoo kale, Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka mid ahaa Guurtidii Somaliland wakhtigii halganka lagu jirey, waxaanu ka qayb-qaatay, isla markaana uu kaalin weyn kaga jirey bundhigii Qarannimada Somaliland, isagoo ahaa Suldaankii ugu horeeyey ee beeshiisu wareejiso hubka, wakhtigaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, iyadoo talaabadaas uu Suldaanku beeshiisa hubka kaga dhigay-na ay hormuud u noqotay in Somaliland qoto qaran jira 21aad Sanadood.
Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa kale oo xusid mudan waxyaabaha lagu xasuusto inuu ahaa Weeyeel jecel nabadgelyada iyo Wada noolaanshaha ummadda reer Somaliland, isagoo waayo-aragnimo buuxda u lahaa dhaqannada iyo deegaanada ay ku nool yihiin Ummada Reer Somaliland, waxaanu tiir dhexaad u ahaa bahda Dhaqanka ee Somaliland.