Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ADDIS ABABA: Maxaa ka soo baxay Safarkii Siilaanyo ee Addis

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

ADDIS ABABA: Maxaa ka soo baxay Safarkii Siilaanyo ee Addis

Postby The_Patriot » Tue Feb 14, 2012 11:47 am

ADDIS ABABA: Maxaa ka soo baxay Safarkii Siilaanyo ee Addis Ababa ??
February 12, 2012 6:05 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Addis Ababa: (pp)- Waxaa bishaan 6-deedii booqasho deg deg ah Safar ugu ambabaxay Magaalada addis Ababa ee xarrunta dalka Ethiopia Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), booqashadaas oo daba socotay booqasho horay ay Addis Ababa ku tageen Wasiirka arrimaha dibadda iyo arrimaha Guddaha ee Maamulka la magac baxay Somaliland, kaas oo ku soo dhamaatay guuldarro.


Guuldaradii dhanka siyaasada ee soo wajahaday Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Arrimaha Guddaha ee Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa keentay in Madaxweyne Siilaanyo uu safar deg deg ah ku tago magaalada Addis-Ababa , isagoo kulan toos ah la yeeshay Raiisal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi , iyagoo ka wadahadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim sanaayeen Nabadgelyada & Ganacsiga.

Nabadgelyada:

Markaan soo qaadano qodobka ugu horeeya ee nabadgelyada ayaa waxaa jirtay in ciidamo beeleedyo laga soo abaabulay Hargeysa ay bishii Oktoober ee sanadkii la soo dhaafay ay Shacab Ethiopian ah ay ku xasuuqeen deegaanka Yoocaale ee gobolka Dhagax-buur, arrinkaas oo markii danbe sababay in ciidamada dowlada Federaalka ah ay soo qab-qabteen raggii falkaas geystay oo markaas baxsad ahaa , laguna maxkamadeeyey Magaalada Jig-jiga , kuwaas oo lagu xakumay xabsiyo kala duwan, gadaadiidkii iyo hubkii ay wateena ay la wareegtay Dowladda federaalka ee Ethiopia. Waxaa kaloo jiray in Bishii la soo dhaafay ee January in lagu qabtay magaalada Gaashaamo Afar nin oo hubaysnaa oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab , kuwaas oo markii la soo qabanayey dagaalamay, lana soo qabtay iyadoo hadda lagu haayo jeelka Jig-jiga dhowaana Maxkamadda la hor keeni doono.

Waxaa kaloo horay u jirtay in 4 jeer ay ciidamo ka tirsanaa ururada ka soo horjeeda Ethiopia ee (ONLF & OLF) oo lagu soo tababaray dalka Ereteria in ay ka soo dageen Xeebaha Saylac iyo Lughaya, kuwaas oo u sii gudbay Ethiopia.

Waqtigaas wixii ka danbeeyey ma fiicnayn xiriirkii u dhaxeeyey Maamulka Siilaanyo & Dowladda federaalka ee Ethiopia, iyagoo ku eedeeyey in ururada nabadiidka ah ee ka soo horjeeda midnimada Ethiopia ay marin u tahay deegaanada ay maamulaan maamulka Siilaanyo.

Waxaa intaas dheer in maamulka Siilaanyo uu xiriir dhow la yeeshay cadowga Koowaad ee Ethiopia oo ah dalka Masar, iyagoo horay isu dhaafsaday booqashooyin , arrinkaas oo shaki weyn ku abuurtay Maamulka sare ee Ethiopia.

Haddaba, kulankii dhexmaray Siilaanyo iyo Zenawi wuxuu noqday mid lagu kala tago qodobadii la isla soo qaaday ee xagga ammaanka iyo ganacsiga. Zenawi ayaa Siilaanyo kula taliyey inuu la shaqeeyo maamulka Kililka ee federaalka Ethiopia, halka Siilaanyo uu doonayey in si toos ah Addis Ababa ugu xirnaado.

Warar madax banana oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in Siilaanyo uu ka biyo diidanaa muddooyinkii u danbeeyey inuu la shaqeeyo Maamulka soomaalida ee Federaalka Ethiopia iyo inuu tago Jig-jiga oo dhanka ammaanka uu hoos yimaado.

Waxaa kaloo Zenawi uu kala hadlay Siilaanyo inuusan Xoog ku dayin arrinka Buuhoodle iyo Awdal, kuwaas oo waqtigan ka soo horjeeda siyaasadda maamulka la magac baxay Somaliland , iyagoo u arka maamul qabiil oo gooni u goosad ah oo dantooda kaliya ka fakiraya.

Xagga Ganacsiga:

Ganacsiga Somaliland ayaa ku dhisnaa Xoolaha Ethiopia , iyadoo Ethiopia ay siyaasadeeda dhaqaalaha bedeshay , kuna xisaabtamaysa hantideeda oo ku fadhida qiimo lagac ah oo adag (Hard currency), qodobkaasi isaga ahna Zenawi waa ka gows qabsaday. Zenawi ayaa u sheegay in xoolaha gudaha Ethiopia ka baxaaya ay ku bixi karaan sifo sharci ah oo ah qaabka Letter of credit (LC).

Waxay kaloo ka wada hadleen shixnado badeecado ah oo ku xayiran dekedda Berbera ayna leeyihiin ganacsato Ethiopian ah , kuwaas oo qaabka Transit-ka ah ku soo mari jiray dekedda Berbera oo aan Canshuur laga qaadi jirin waayadii hore, waxaana maamulka Siilaanyo uu ku soo rogay Canshuur, taasoo ganacsatada Ethiopia ay u cuntami weyday , maadaama heshiiskii hore uu ahaa mid canshuur dhaaf ah.

Zenawi ayaa ka biyo diiday in ganacsata Ethiopia ee alaabta kala soo dega Berbera iney bixiyaan wax Canshuur ah , waxna aan laga bedeli Karin heshiisyadii hore ee ay kala galeen Ethiopia & Somaliland, kaas oo ahaa in Canshuur la’aan alaabta Ethiopia looga soo dejiyo Berbera.

Siilaanyo ayaa si fudud uga aqbalay go’aanka Zenawi, wuxuuna ku baryootamay Siilaanyo in wax laga siiyo loona fasaxo gadiidka Xamuulka ka qaada dekedda Berbera ilaa gudaha Ethiopia. Waxaana horay u jirtay in gaadiid badan oo Hargeysa laga leeyahay ay waagii hore xaduudyada Ethiopia ay ka gudbi jireen , haddase loo diiday gaari aan wadan taarigada Ethiopia inuusan xadka ka gudbi Karin, taas oo curyaamisay in ganacsato badan oo reer Somaliland ah ay baabuurtoodu dhooban yihiin magaalooyinka Berbera, Hargeysa iyo Burco.

Guuldaradii Siyaasadeed ee Siilaanyo ka soo wejehday maamulka sare ee Ethiopia , wuxuu safar deg deg ah ugu duulay Jabuuti , isagoo Ismaaciil cumar Geelle kala hadlay inuu heshiisiiyo Isaga & Maamulka Jig-jiga ee soomaalida Ethiopia , sidoo kalena uu isaga dab-qaado maamulada Awdal & Khaatumo oo ay siyaasad ahaan aad u kala fogaadeen.

Inskata oo maamulka Siilaanyo iyo Ismaaaciil Cumar Geelle waayadii danbe uu u dhaxeeyey Mugdi siyaasadeed, kaddib markii ismaaciil Cumar Geelle uu yiri ” Reer Somaliland waa ay ku deg-degeen gooni u goosadka , waxayna la mid yihiin Gaari laga hormari mariyey Dameerkii Jiidi lahaa”

Sikastaba ha ahaatee, Weli nama soo gaarin jawaabaha uu siiyey Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweyne Siilaanyo, balse la arki doonee maalmaha soo socda Talaabada u qaado Ismaaciil Cumar Geelle.


Puntlandpost.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests