Shariif Oo Beeniyey In Aqoonsigii Khaatumo Lagala Noqoday
Posted: Fri Mar 09, 2012 6:37 pm
Xafiiska Madaxweynaha Somalia Oo Beeniyey In Aqoonsigii Khaatumo Lagala Noqoday
Muqdisho,(lasanod Online)- War caawa kasoo baxay xarunta madaxtooyada Somalia(villa Somalia), ayaa lagu beeniyey warar sheegaya in aqoonsigii lagala noqday maamulka Khaatumo.
Warkan oo saaka kusoo baxay warbaahinta qaarkood ayaa noqday mid aan sugnayn kadib markii xidhiidh aanu la sameynay xafiiska Madaxweyne Shiikh Shariif iyo madaxda Khaatumo State ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Warqadan laga dhigay inuu kasoo baxday Xafiiska Raiisal wasaaraha ayaa farta lagu fiiqayaa inay si bug ah usoo farsameeyeen dhalinyaro ka shaqaysa xafiiska Cabdiweli oo kasoo jeeda Puntland, kuna faafiyeen mareegaha internetka ee ku hadla afka maamulka Faroole.
Dhanka kalena waxaa maalinta berri ah ka dhacaysa Hoteel Saxaafi ee magaalada Muqdisho xaflad ballaadhan oo lagu taageerayo heshiiska wada shaqaynta ee dhexmaray Dawladda Fedraalka iyo Maamulka Khaatumo.
Xafladan ayaa la sheegay inay kasoo qaybgeliyaan madaxda sare ee dawladda Federaalka Somalia, Wasiiro, Xildhibaano, Hay'adaha caalamiga ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho.
Warbaahinta Lasanod Online waxay ka raali gelinaysaa dhamaan akhristayaasha ku xidhan Shabkaddan ee nooga bartay wararka sugan goor walba, warqadaas aan la hubin oo mar kusoo baxday Lasanod Online.