War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka …
Published: 17/03/2012 @08:57
War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka …
Wararka Hordhaca ah ee naga Soo Gadhaya Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo Ka Tirsan Deegana Soomalida Ethiopia Gaar ahaan Degmada Gaashamo ayaa sheegaya in ay saaka waabarigii Soo weerareen Ciidanka loo Yaqaan liyuu Boolisku dadka Deeganka ee degan Degamadaas.
Dagaalkana ayaa la sheegaya inuu ka culus yahay Daagaal maalintii Shalay Dhex Maray Dadka Deeganka iyo Ciidankan Liyuu Booliska oo si Badhdeedh ah u dilay Markii Hore Ruux Deeganka ah ka dibna Dadka Deeganku iska Difaaceen dagaalkaas oo ay ku dhinteen 9 Nin oo Ciidanka Soo Duulay ah iyo Laba Ruux oo deegnka ahi.
Dagaalka Saaka ayaa ah mid Culus oo ay Ciidanka Liyuugu ku Soo qaadeen Dadka Deeganka iyaga oo isu habar Wacaday Ka dib Wadhidii iyo Jabkii ka raacay Dagaalkii Shalay Dadku Deegankuna ay Sutida u qabteen.
Dhaawacyada Dadka Deeganka ayaa Hadda lanoo Xaqiijiyey in Qaarkood Loo soo Qaaday Dhinaca waqooyi ee Deeganku Dagaalku ka socodo iyada oo lagu dabiibayo.
Ilaa iyo Hadda warar Intaa ka faahfaahsan oo ku saabsan Khasaaraha dagaalkan ma hayno se Sida ugu dhakhso badan ayaanu idiinku soo Tabin doona iyo sida kolba warka aanu u helno anaga oo isku dayi doona in aanu sida ugu dhakhsiyo badan idiinku soo gudbino….
Warqabadka ToggaHerer




