SNM veteran and POET UNDER ARREST
Posted: Sun Apr 15, 2012 4:50 pm
Dawladani iyadaaba is burburinaysa ma is tidhi?
Ciidamada Booliska Gabiley oo Xabsiga Dhigay Abwaan ka mid ah Mujaahidiintii SNM oo Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo.
Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur
Hargeysa (GNS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah Abwaan Reer Somaliland ah oo ku dhaqan Magaalada Gabiley kana mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM
Mujaahid Haybe oo Waraysi siiyay Wargeyska Caalami Cadadkiisii Jimcihii ayaa Madaxwayne Siilaanyo ku Dhaliilay Hogaamintiisa Siyaasiga ah tan iyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha ururka SNM oo uu Sheegay inuu ku Dhaqmi jiray Cadaalad Darro, Eex iyo Qabiilaysi.
Goobjooge ku Dhawaa goobta lagu Qabtay Awbaanka ayaa Sheegay in Ciidan Tiro badan la dulgeeyay Abwaanka islmarkaana Gaadhi Qufulan lagu soo qaaday haddana uu ku Xidhanyahay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Gabiley.
Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur oo aan la Garanayn Ujeedada ka Danbaysa Xadhigiisa,balse lala xidhiidhinayo Qabashadiisa Waraysi uu Siiyay Wargeyska Caalami oo ku sheegay Dhawr Gabay oo ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo
Abwaan Haybe Faarax Nuur waxa uu tiriyay Maansooyin badan oo Ku Dhaliilayo Hogaaminta Axmed Siilaanyo taasi oo ku Sheegayo in aanu ahayn Madaxwayne Cadaaliya Waxaa ka mid ah Maansooyinka Abwaanku Tiriyay Ereyadan
“Ninka Dawlad meeraran,Daadihi la yidhoow, dayacdoo xilkaagii, hawshii laguu diray dusheedaad ku gama’adoo, Daa,uus sidaad tahay waad isdaawanaysee,dadkii kugu khasaaryoo, dabadhoonka maqashiyo Ma Xirsaa ku Daafici,mise waad iskaga degi doqoniimo qaadee”
Abwaankan ayaa ka mid noqonaya Masuulkii labaad ee loo Xidho Dhaliisha Madaxwayne siilaanyo isaga oo hore Xabsiga ugu jiray Boqor Cismaan Buur madaw.
Aafadu siday noo heshuu ololku noo taabtay
Amadkiyo hadhuudhkii ma Baxo aawanaan jiray
Ayax bahal ka daran baa illaa oodihii cunaye
Ilihii dhaqaaluhu lahaa la iska wada awdye
Aroos loo ciyaaroo ma jiro loo Odorosaaye
Eridhabanka geel kuma dhalaan aradadeeniiye
Ido soo isaarixinayana ma arki doontaanaa
Ummadii inkaar lagu Ridaa Ma ashahaataane
Waa laga Afgodayaa ninkaad ubaxa Saarteene
Arinkeeda Somaliland waa Allaw sahale
Waa taad illaahay dartii udub ku diideene
Waa taad albaabada jannada orod ku dhaafteene
Waa taad arad barwaaqa ah dagteen kana abqaasheene
Waa taad inkaar iyo tagteen meel ibtilo taale
Waa taad abbaa ood ka dhaw ereyga diideene
Abtirsiimo waa taad gasheen odayna Sheegteene
Waa taad Codkii Aafadii ahaa nagu Asqayseene
Waa Taad Aqoonsiga Xorta ah nagaga oydeene
Al baqraynu joognee haddaad alif maraysaane
Inaad ilmada hoorisaan waa ayaan xumo’e
Abaalkiinu waa inaad sidaa ku Istareexdaane
Abshir dhaha Ammaan Xumadu waa aragtidiiniiye”