Ururka Horumarinta Degmada Sabawanaag ee TabanTaabo oo Dhagax Dhigey Mashaariic laga Hirgalinaayo Xarunta Degmada Sabawanaag iyo Tuulada Qoton Weyne
Hargeysa (THN) Ururka dhalinyarada ee hormarinta degmada sabawanaag ya si rasmi ah u dhagax dhigey Mashaaric logu tala galay madarasad iyo masaajid ay yeelanayso tuulada Qoton weyne iyo madarasad iyo guriga martidada degmada sabawanaag.
Labada dhisme ee hore oo ay dedmada ugu kala deeqen muwaadin u dhashay dalka Qatar oo la yidhahdo Cabdale Suleimaan Muhandi oo ku deeqey dhismaha masaajiska iyo ganacsade Cabdilaahi Carab Bandaali oo u dhashay dalkan Somaliland xaflaadi dhagax dhigaasi oo ka dhacdey tuulada Qoton weyne wax ka so qayb galey masuuliyin Salaadin Cuqaal iyo Dhalinyaro ka so jeede deegaanka Sabawanaag ugu horeyn waxa halkaasi ka Hadley Gudomiye xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo ka waramey baahida lo qabey Masaajidka iyo Madarasadan.
Isaga oo Illaahay uga baryey in u wax khayr qaba ugu badalo dadki ku tabarucay dhismayaashan khayrka qaba.
Waxa isaguna halkaasi ka Hadley suldan cali fayr xuseen oo ku amaaney dhalinyaradan is xilqaantey in ay mujiyeen dadaal dheeri
Waxa kale oo u cali fayr ilaahay uga baryey in miisanka xasaanadka ugu badalo dadki dhismayaashan ku sadaqadaystey tuuladan oo ad ugu bahneyd
Waxaa iyaguna halkaasi ka Hadley suldan xasan warsame shire waxaanu dadka deeganka u so jeedeyey in ay isku duubnadan si ay hormar u gaadhan
Waxa iyana halkaasi ka Hadley ganacsade cabdilaahi carab iyo shucayb yuusuf oo ku hadlayey afka ururka dhalinyarada tabababtaabo
Waxa kale oo isla maanta la dhagax dhigey laba dhise oo logu tala galey guriga martida ee degmada sabawanaag iyo madarasad laga dhisayo xarunta degmada kuwaasi oo ay hirgalintooda iska kaashadeen Ganacsade Maxamed Baarjeex iyo dadweynaha ka so jeeda deeganka sabawanaag
Waxanaa dhismayaashaasi dhagax dhigey gudomiye kuxigeenka rugta ganacsiga somaliland maxamed shukri iyo gudomiyaha degmada sabawanaag
Waxana xaflaadasi goob jog ka ha masuliyinta ururka tabanbaabo ganacsade C/laahi Carab Suladan Xasan Warsame iyo Suldan Cali Fayr Xuseen iyo Sheikh Maxamed.
Dadweynihi xaflaasi ka so qayb galey wax ay aad ugu mahad naqeen ururka dhalinyarada ee tabantaabo oo hawshan door laxaad leh ka qaatey kuna booriyen in ay halkaasi ka sii wadan.
Degmada sabawanaag
http://oodweynenews.com/news/166538-rur ... weyne.html
.





