“Ma jiro shir Soomaaliya ah oo aan tagayaa, ama la igu casuumay, wax iga khuseeyaana ma jirto Soomaaliya”Sul Xuseen X. Cabdi
Published: 06/05/2012 @21:13
Hargeysa (Togaherer)- Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta gobolka Hargeysa, ayaa caawa shaaca ka qaaday inaanu jirin wax shir ah oo Soomaaliya ah oo uu tagayo ama lagu casuumay.
Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi oo la soo xidhiidhay Qaar Ka mid Ah Warbaahinta ayaa si adag u naqdiyay una beeniyay liiska salaadiin badan oo Soomaaliya iyo Somaliland-ba iskugu jiray oo magaciisu ku jiray oo wargeysyada ka soo baxa magaaladda Hargeysa qaarkood ay maanta daabaceen ka dib markii la sheegay in laga soo xigtay dawladda TFG-da Soomaaliya.
“Saaka markii aan kacay ayaa la ila soo hadlay oo la ii sheegay in magacaygu ku jiro liiska salaadiin tagaya Muqdisho oo dawladda Soomaaliya casuuntay. Waxaan cadaynayaa inaanu jirin baahina aanan u qabin inaan tago shirarka dalka Soomaaliya. Ma jiro shir la igu casuumay ama aan aniguba tagayaa oo Soomaaliya ah, mana jirto wax iga khuseeya arrimaha dalkaasi,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi.
Suldaanku wuxuu sheegay in Somaliland leedahay dawlad madax-banaan oo shacbigu ay si toos ah u soo doorteen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Somaliland waa dal madax-banaan oo leh dawlad shacbigu soo doorteen iyo dastuur umaddu ku ansixisay 97%, sidaasi darteed, waxaan u arkaa gef iyo meel ka dhac la igu sameeyay waxaanan cadaynteeddii ka rabaa Wargeysyadii warkan iga qoray.”
Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi wuxuu sheegay in uu madax-banaanida dalkiisa lexjeclo weyn ka qabo, waxaanu tilmaamay inay xukuumadda kala shaqeeyaan dhinaca nabad-gelyadda iyo wada jirka dalka.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
http://togaherer.com/ma-jiro-shir-sooma ... n-x-cabdi/






