Xaflada balaadhan Oo Loo qabtay Faysal Cabdiraxaam Oo isku Sharaxay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Taageero Loo Fidiyay Ururka WADDANI
(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 09, 2012
(HWN):-Beesha Gumbuur oo ka tirsana Beelaha Habaryoonis ayaa Faysal Cabdiraxmaan Xirsi u soo xushay inuu ka qayb galo Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa ee la filaayo inay sanadkan gudihiisa dhacdo, iyaga oo ka soo sharaxay Ururka WADDANI,
Hargeysa(HWN):-Beesha Gumbuur oo ka tirsana Beelaha Habaryoonis ayaa Faysal Cabdiraxmaan Xirsi u soo xushay inuu ka qayb galo Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa ee la filaayo inay sanadkan gudihiisa dhacdo, iyaga oo ka soo sharaxay Ururka WADDANI, isla markaasna waxay sheegeen ina Beeshu taageero buuxda u fidisay Ururka WADDANI.
Xaflad balaadhan loogu qabtay Hotel kaah ee magalada Hargeysa, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Ururka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, musharax Faysal Cabdiraxmaan Xirsi, Cuqaal, wax garad iyo dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Gunbuur oo ka mid ah Beelaha Habaryoonis.
Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo ka tirsan Golaha Wakiilada, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeda xafladaas Xafladani waa xaflada lagu soo bandhigaayo taageerada Beeshu u hayso Ururka WADDANI iyo soo bandhigida Musharaxa Golaha Deegaanka uga qayb galaaya Beesha oo ah Faysal Cabdiraxmaan Cabdilaahi, reerkuna waa isku raacay, waxanan idin sheegayaa in markaanu eegay danta reerka iyo mustaqbalkiisaba waxaanu garanay inaanu taageero siino Ururka WADDANI, isla markaasna aanu ka sharaxno musharaxaha Golaha Deegaanka.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Caaqil Axmed Xirsi Xandule (Daarood) oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay isku duubinda ay muujisay Beesha uu Caaqilka u yahay Waxaanu isla garanay inaanu taageerno Ururka WADDANI, kaas oo dadka Somaliland ku wada jiraan, sidoo kale waxaan Ururka u sheegayaa in reerka 95% uu Ururka taageersan yahay, reerka aan caaqilka u ahayna ma kala hadlaan ee taasna ogaada, oo hadaanu meel isku raacno waanu isku raacnay.
Cali Maxamed Xasan (Nabadiid) oo ka tirsan Ganacsatada Somaliland isla karaasna ka soo jeeda Beesha soo bandhigtay taareeda iyo musharaca Golaha Deegaanka oo isugana halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday talada iyo wada tashiga ay ka yeesheen Musharaxa ay soo bandhigeen iyo taageerada ay siiyeen Ururka WADDANI Xafladani waa mid la isku raacsan yahay oo reerku isla garteen inay taageero siiyaan Ururka WADDANI isla markaasna ninkaas dhalinyarada ah u soo xulaan inuu noqdo Musharaxa Golaha Deegaanka Hargeysa oo aan u rajaynaayo inuu guulaysto insha Allah. Sidaas ayuu yidhi MD Nabadiid
Sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay Axmed Yasiin Gaba-xadi oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano Somaliland, waxaanu halkaas ku soo bandhigay taariikh dheer oo dhinacyo badan taabanaysa Maanta reerku halkan waa ku dhan yahay, waxaana talo badan dabadeed la gartay in halkan (Ururka WADDANI) uu reero iskugu biyo shubto, waxanan idinku dar-daarmayaa inaad wada jirta ilaalisaan.
Ugu dambayntii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu u mahad naqay Beesha soo qaban qaabisay xafladaas Waxaan Beesha (Gumbuur/Habaryoonis) uga mahadnaqaynaa taageerada buuxda ee baladhaan ee ay Ururka WADDANI siiyeen, ee weliba xildhibaankii Golaha Deegaanka uga sharaxayeen keeneen, waxaan kaloo hambalyaynaa mudanaha isa soo sharaxay, waxaan u rajaynayaa inuu dur-duro ku soo bixi doono insha ALLAH.
Sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed, Qaasim Soofe iyo Axmed Dhagaweel oo dhamaantood hambalyeeyay musharaxa Golaha Deegaanka isku soo taagay.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=65947







