Union between Wadani and Sh Cali geedi's Badbaado
Posted: Sat May 12, 2012 10:48 am
Ururka Badbaado oo ku biiray Ururka WADANI iyo nuxurka Khudbadii Guddoomiye Cirre
May 12th, 2012
Hargeysa (Somaliland.Org)-Labada Urur-siyaasadeed ee WADDANI iyo Badbaado, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay midoobeen, isla markaana isla qaateen magaca Urur Siyaasadeedja Wadani oo ku soo baxay marxaladii lagu kala shaandhaynayay ururadii is diiwaangeliyay.
Xaflad loo sameeyey midawga labada Urur ee WADDANI iyo Badbaado oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Hoggaanka labada Urur ee WADDANI iyo BAD-BAADO, Xildhibaanno Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan, Madax-dhaqmeed isugu jiray Salaaddiin iyo Cuqaal, Culimo-awdiin, Taageerayaasha labada Urur iyo Marti-sharaf kale.
Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada Urur, Salaaddiin iyo Xildhibaanno ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey Xafladdaas oo si heer-sare ah loo soo agaasimay, Waxaana halkaa laga akhriyey heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay labada Urur ku heshiiyeen,kuwaas oo u dhignaa sidan:-
Markay eegeen : Danta guud ee dalka iyo dadka
Markay darseen : Duruufaha ku xeeran Jamhuuriyada Somaliland
Markay galeen : Wada-hadallo qoto dheer oo muddo badan qaatey
Markay ka baaraan dageen : Nuxurkii wadahadalladii dhex marey
Markay ku qanceen : in ay labadooda urur yihiin kuwo isla jaanqaadi kara
Marka ay ogaadeen : In ay lagama maarmaan tahay in ay awooddooda Siyaasadeed mideeyaan danta dalkoodana meel uga soo wada jeestaan
Waxay labada Urur ee WADDANI iyo BAD-BAADO Ku heshiiyeen Qodobada hoos ku qoran:
1. In lagu midoobo, magaca, calanka, xeerka iyo barnaamijka iyo Astaanta Urur-Siyaasadeedka WADDANI
2. In labadda Urur si midaysan uga qeybqaataan adkeynta nabadgelyada iyo horumarinta qaranimada JSL.
3. In ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo wax-u-dhimaya jiritaanka qaranimada Somaliland
4. . In ay mideeyaan awoodooda siyaasadeed iyo dedaalkooda ay ugu jiraan sidii dalkani u noqon lahaa mid ka horumarsan dhinac walba.
5. In la ilaaliyo lana fuliyo dhamaan mabaadii ada guud ee ku xusan Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Baaq:-
Waxa labada Urur dhammaan taageerayaashooda meelkasta oo ay joogaan ugu baaqayaan in ay halkooda ku midoobaan oo mideeyaan cududooda siyaasadeed, dhaqaale iyo xafiisyadooda isla markaana ku marti qaaday ururada kale iyo siyaasiyiinta madax-bannaan ee danaynaya dalkooda iyo diintooda iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland in ay ka soo qeybqaataan midowga labada Urur.
Waxa kale oo labada urur ugu baaqayeen dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan in ay kala qeybqaataan rumaynta himilooyinka qarankani ku horumarayo kuna gaadhayo barwaaqo iyo guul, iyagoo sidoo kalena taageerayaashooda u soo jeediyay inay weyneeyaan meel kasta oo ay joogaan xuska munaasibada 21guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ku began 18ka bishan May.
Gudoomiyaha Ururka Wadani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ku dheeraaday ahmiyada ku jirta midawga labadan urur, waxaanu madashaasi ka jeediyay khudbad dheer oo u dhignayd sidan:-
“Bismilaahi Raxmaani Raxiim wa salalaahu calaa sayidiinaa Muxumadin wa calaa aalihi wa saxbihin ajmaciin, Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu
Ilaahay baa mahad iska leh, waxaan kale oo u mahadnaqayaa dhamaan ka soo qayb galayaasha munaasabadan dhamaantood. Waxaan jeclaystay inaan maanta erayo kooban oo keliya halkan ka soo jeediyo :
1. Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed. Waxaan ku faraxsanahay midowga BADBAADO iyo WADDANI. Waxaan ilaahay uga barayaa inuu barakeeyo midowga
2. Waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa raggii ka hawlgalay wadahadallada ee sida hufan ee isfahanka iyo daacadnimada ah uga soo shaqeeyey labada dhinacba.
3. Maanta laba urur ma kala nihin, maantaba Waddaniyiin baan wada nahay , is doortay oo is ogogol , isku hadaf iyo ujeeddo ah, ujeedadaas oo ah in loo wada guntado sidii wadankeennuu heli amni, una gaadhi lahaa horumar siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed iyo cadaalad una heli lahaa aqoonsi caalami ah.
4. Walaalayaal maanta waddankeennu wuxuu marayaa marxalado ay dhacayaan isbedelo iyo dhacdooyin waaweyn oo inagu hareeraysan , taasina waxay innagu waajibinaysaa in aad meel uga soo wada jeesano oo midayno fikirkeenna iyo dadaalkeenna. Tallaabadan aannu maanta qaadnayna waxay salka ku haysaa arrintaas.
5. Walaalayaal maanta diinteennii waxa la galiyey tashwiish oo sawir aan fiicnaynbaa laga bixiyey, waxa innagu waajiba in aan muujinno sawirka dhabta ah ee Diinteenna Islaamka kaas oo ah Naxariis iyo Nabad. Sawirkii dhabta ahaa ee diinteennu wuxuu ku salaysnaa WAMAA ARSALNAAKA ILLAA RAXMATAN LIL CAALAMIIN. Raxmad iyo naxariisbay ahayd oo waa kii Rasuulkeennu SCW maalintii Daa’if laga eryey ee dhagaxa lala dhacayey waakii lahaa ALLAAHUMMA IQFIR LAHUM, FA INNAHUM LAA YACLAMUUN! Taasaa walaalayaal maanta looga baahan yahay ummadda Muslimiinta ah.
6. Run ahaantii innaga oo aan isfaaninayn, wadaadada reer Somaliland waxay ku sifoobeen naxariistaa iyo nabadda diinteenu salka ku hayso waxaana ka markhaatiya tallaabadii maalintii dhawayd uu qaaday ururka Badbaado, kelmaddii qaaliga ahayd ee walaalkay Sh. Maxamed Cali Geeddi ku xasiliyey nabadda Somaliland. Run ahaantiina annaga Waddanigii hore haddaanu nahay, Elleen hadda Waddanibaynu wada nahaye, waxa run ahaantii nasoo jiitay tallaabadii masuuliyadda, bisaylka iyo Islaamnimadu ku dheehnayd ee ururka Badbaado qaaday maalintii lagu yidhi waa hadheen, waayo Waddanina sidaas oo kale ayuu u aaminsan yahay in nabadda lagu wada fadhiyaa ka muhiimsan tahay siyaasadda iyo kursiga.
7. Wadaadada reer Somaliland waxay qayb waxku oola ka ahaayeen dhammaan marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, haday tahay halgankii, haday tahay nabadayntii (Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar, Sh. Muuse Goodaad, Sh. Ibraahim Sh. Madar ka mid ahaayeen), haday tahay dastuurkeenna samayntiisii, haday tahay horumarinta dhaqaalaha iyo waxbarashada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee horumarka Somaliland gaadhay. Maanta Soomaaliya waad aragtaan in waxkasta dibedda lagaga keenayo, haday tahay dastuur, haday tahay nabadayn iyo haday tahay siyaasadba.
8. Walaalayaal, maantana waddo kale ma jirto oo aan ahayn in aan danta dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna meel uga soo wada jeesanno, gacmaha isqabsanno innaga oo isu dhan, innaga oo isu dulqaadanayna, innaga oo isa saxayna, innaga oo iswadanna iyo innaga oo midaysan.
9. Wa Billaahi Tawfiiq.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Badbaado Sh. Maxamed Cali Geedi waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay la midoobaan ururka WADANI waxaanu tilmaamay inuu rajaynayo inay wada jir ku gaadhaan himilooyinkoodda.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan oo ka tirsan labadda urur siyaasadeed ee isku biiray iyo xubno kale oo ka mid ah marti sharafta.