Page 1 of 2

Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabuur

Posted: Sun May 13, 2012 9:51 am
by abdikarim86
Alle Ha U Naxariistee Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar Oo Ka Mid Ahaa Dhakhaatiirta Waaweyn Ee Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur

Gorayo-Cawl (Ramaas) May 13,2012 – Alle ha u naxariistee Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo ahaa dhakhtar dhinaca maskaxda ah ayaa goor dhawayd ku geeriyooday shil baabuur ka dhacay duleedka galbeed ee Magaaladda Boorama.

Alle ha u naxariistee Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, ayaa gaadhi uu watay oo marayey deegaanka Gorayo-Cawl, gaar ahaan meesha loo yaqaano Tulli oo ah jidkii shalay Madaxwayne Siilaanyo xdhiga ka jaray uu kula qalibmay, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Gaadhiga Marxuumka la dhacay ayaa waxa ku wehelinayey Xaaskiisa iyo haweenay Eddo u ahayd dhakhtarka geeriyooday, kuwaasi oo iyagana uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwan.

Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, ayaa ka hor intii aanu gaadhigu la qalibmin waxa uu ka ambo-baxay Magaaladda Hargeysa ee caasimada Hargeysa oo uu xarun caafimaad ku leeyahay.

Dhaawacyada labada haweenka ah ee la socday dhakhtarka geeriyooday ayaan ilaa hadda aanay kala cadayn in la geeyay dhinaca cisbitaalka Boorama iyo in la keenay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.

La soco wixii ka soo kordha shilkan khasaaraha keenay

AUN

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 10:46 am
by Rightwing
R.I.P Abdi-shakur, he will be missed by many. He was a great person and asset for Somaliland doctors community. :cry:

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 11:40 am
by ManD333q
I didnt even know we had a psychiatrist and now he is dead :(

AUN

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 1:03 pm
by afisoone
Allah u naxariisto ninkaas aamiin. Dumarkii oo gaariga kuwadayna allah u caafiyo dhaawacooda. Dhibka jiro waa Dhulkaas dhul ma aha. Waa keeymo iyo jidad aan la dayactirin 20 sano ee somalidiidka diidanaayeen Soomaalia..

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 1:24 pm
by Rightwing
Allah u naxariisto ninkaas aamiin. Dumarkii oo gaariga kuwadayna allah u caafiyo dhaawacooda. Dhibka jiro waa Dhulkaas dhul ma aha. Waa keeymo iyo jidad aan la dayactirin 20 sano ee somalidiidka diidanaayeen Soomaalia..
It seems your schizophrenia progressively deteriorate over time :shock: This is TACSI thread and you talking beyond the point of the topic :down:

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 1:38 pm
by Xamud.
Ilaahey ha u naxaristo, aamin.

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 2:02 pm
by Niya
Ilaahey ha uu naxaariisto.

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 2:13 pm
by Methylamine
Allah yarhamak

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 2:19 pm
by Rightwing
Ilaahey ha uu naxaariisto.

Salaan sare Niya, long time no see. The Doctor died instantly after they'd car accident, his wife survives but is in critical condition.

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 2:30 pm
by abdikarim86
These roads man ....So ma aha tii udhaxaysay Borama iyo Dilla.
Tii u maantadan Siilanyo, qayb dhamastiran xadhiga ka jaray?

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 3:06 pm
by Rightwing
These roads man ....So ma aha tii udhaxaysay Borama iyo Dilla.
Tii u maantadan Siilanyo, qayb dhamastiray xadhiga ka jaray?
Sadly yes, It seems he has lost control of the car break!

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 3:16 pm
by abdikarim86
These roads man ....So ma aha tii udhaxaysay Borama iyo Dilla.
Tii u maantadan Siilanyo, qayb dhamastiray xadhiga ka jaray?
Sadly yes, It seems he has lost control of the car break!
Bad way to go, Ilaahey ha unaxariisto.
This man was a good doctor in Hargeisa.

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 6:09 pm
by Madelina
AUN

He was a wonderful man & his death is a great loss not only to his family & friends but Somaliland oo dhan :cry:

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 6:57 pm
by Salah Al-Din
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raaji'uun. Allah Yarhama on Dr. Abdishakur Ali Jowhar. Somaliland has lost one of its giants today. May Allah give his family and our nation the will/patience to carry on.

Re: Dr C/Shakuur Sh Cali Jowhar oo ku geeriyooday shil baabu

Posted: Sun May 13, 2012 8:30 pm
by Niya
Salaama Rightwing. Geeridu waa xaaq lakiin waan ka naxaay siday lama filaanka ah ee uu dhacday. Ilaahay ha uu naxaariisto, reerkiisana sabir iyo imaan Ilaahay ha ka siiyo.