Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland coast guard forces chase Pirates in laasqoray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30804
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Somaliland coast guard forces chase Pirates in laasqoray

Postby Khalid Ali » Sat Jun 02, 2012 5:03 pm

Weerarka Waxaa Nagusoo Qaaday Mileeshiyaad Ku Abtirsada Beesha Isaaq, Dhirbaaxo Kulul Ayayna Kala Kulmeen Dadka Degaanka: Duqa Degmada Laasqoray,

Laasqoray (SPR): Iska hor-imaad ka dhacay xeebta degmada Laasqoray ayaa ku nafwaayey 4 ruux, halka 2 ruuxna ay ku dhaawacmeen, sida uu inoo xaqiijiyey duqa degmada Laasqoray, mudane Yuusuf Jaamac Dibad.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay dhinaca Bada gudeheeda, isla markaana laysku waydaarsaday hubka noocyadiisi kala duwan ayaa ka dambeeyay ka dib markii saddex Markab oo ku socday degmada Laasqoray ay weerareen ciidamada Somaliland, halkaasoo beryahan dambe warar soo baxayay ay sheegayeen inay imanayaan Maraakiib Qalab iyo Shaqaale u sidaa Dekeda laasqoray oo dib u dhis lagu samaynayo.

Duqa Magaalada Laasqoray oo u waramaayey Idaacada Bulshada Somaaliyeed ayaa sheegay in shalay dablay hubaysan oo ku abtirsada beesha Isaaq ay weerareen maraakiib u siday qalab iyo shaqaalo ajaaniib ah magaalada Laasqoray islamarkaana ay weerarkaasi kala kulmeen dhirbaaxo kulul.

Mar aynu wax ka waydiinay cidda rasmiga ah uu iska hor-imaadkaasi u dhaxeeyey ayuu sheegay in taliska degaankaasi oo hoosyimaada maamulka Puntland iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo mileeshiyaad kasoo duulay dhanka Berbera uu dagaalka u dhaxeeyey.

Sidoo kale idaacada SPR oo duqa degmada wax ka waydiisay tuhuno sheegaya in halkaasi uu ka socdo qorsho macdan gurasha ah ayuu yiri, "warkaasi waxba kama jiraan, hadayse ay jirto qorshahaasi waxay u taallaa beesha Warsangali oo gobolkani qarniyo difaacaysay, hadalse ugama banaana beesha Isaaq. Adeer meesha laga hadlaayo waa Laasqoray iyo gobolka Sanaag, inaga ayaa u aaba ah degaankani, ayuu yiri mudane Yuusuf Jaamac Dibad."

Dhanka kale mudane Yuusuf Jaamac Dibad ayaa iska hor-imaadkaasi iyo qasaaraha ka dhashayba ku ee'deeyey Waasiirka Gaashaandiga Somaliland. "Cadami ayaa fidnadani ka kow ah, waxaanse u sheegaynaa in aysan mardanbe uusan soo caga dhigan doonin gobolkani, oo aynu talaabo ka qaadayno," ayuu yiri si caro leh u yiri duqa degmada Laasqoray.

Degmada Laasqoray ayaa kamid ah degaamada xeebta ku teedsan ee gobolka Sanaag, iyadoo degmadaasii dhawaanaahanbe ay ka socdeen dedaalo lagu doonayey in dib loogu dhiso deked caalami ah oo baahi tirta adeegyada ganacsiga iyo bulsho ee gobolka Sanaag oo ah gobolka labaad ee ugu wayn guud ahaan dalka Somaliya.

Somali Public Radio


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests