Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12003
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Postby abdikarim86 » Sat Jun 16, 2012 8:27 am


User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Postby rich-boy » Sat Jun 16, 2012 9:52 am

Xoghayaha Guud ee Dan Iyo Duco Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Saami Qaybsi Lagu Xaliyay Murankii Warshadda Sibidhka Berbera
(Hadhwanaagnews) Saturday, June 16, 2012
Xoghayaha Guud ee Dan Iyo Duco Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Saami Qaybsi Lagu Xaliyay Murankii Warshadda Sibidhka Berbera

Hargeysa (HWN) Xoghayaha Guud ee dan iyo Duco Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland.

Waxa uu sheegay in aanu ilaa hadda jirin isfaham laga gaadhay saami qaybsiga Warshadda sibidhka ee Magaaladda Berbera.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan

UJ:- BEENIN WAR KUSOO BAXAY BERBERA-NEWS, SAXAFI, SAXANSAXO.

Waxaan halkan ku beeninayaa war kusoo baxay website-yada iyo Jornaalada kor ku xusan shalay oo ku taariikhaysan 15/06/2012 kuna saabsanaa soo afjarida khilaafkii wershada sibidhka berbera, waa siday hadalka u dhigeene.

Waxaan halkan ku cadaynayaa in warkaas kor ku xusani yahay been abuur & waxba kama jiraan, mana jiro heshiis rasmi ah oo laga gaadhay qaybinta saamiyada wershada sibidhka Berbera ilaa hada, waxaan u aragnaa warkaas mid lagu doc-wareemayo guddi ku hawlan qaybinta saamiyada (shares-ka) shirkadaha iyo ganacsatada reer Somaliland oo dawladuna ka war qabto guddidaas hawsha gacanta ku haysa.

Ma jirto wax gaar loogu qoondeeyay Shirkada MSG iyo Mulkiilaha shirkadaas Ganacsade Max’d Siciid Geedi iyo Ganacsadahaa reer Kuwait iyo Harumarinta Gobolka saaxil toona.

Waxaan bulshada reer Somaliland u kala cadaynayaa inaan laysku khaldin Guddida (Board-ka) Berbera Cement Factory oo ka kooban dhamaan ganacsatada reer Somaliland ahna shirkada kicin doonta wersheda sibidhka Berbera iyo Guddida harumarinta ee DAN iyo DUCO oo ah guddidii ay Beelaha Ciise Muuse kusoo doorteen shirkii DUBUR una xil saran harumarinta deegaanada beeshu degto, Waana laba Guddi oo kala madax banaan, hadaba Guddida sare ee DAN iyo DUCO in lagu shaabadeeyo wersheda sibidhka waa gaf iyo jaahwareerin la jaah wareerinayo Bulshada reer Somaliland.

Waxaan kusoo gebagebaynayaa warkaas been abuurka ah Saxaafadii qortay waxa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ilaha xog-ogaalka ah ee ay kasoo xigteen.

ABDIRASHID MOH’D H. YUSUF

XOGAHAYA GUUD EE GUDDIDA DAN IYO DUCO


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests