Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo soo daayay maxaabiis

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5186
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo soo daayay maxaabiis

Postby kaliil » Sun Jun 24, 2012 11:51 am

“43 Qof Ayaa Nalagu Soo Wareejiyay Ka U Yarina Wuxuu Ku Xukunaa 15 Sano Oo Xadhiga, Arrinkaasina Wuu Naga Dhamaaday”


Hargeysa, June 24, 2012 (Haatuf) – 43 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Baligubadle ee gobolka Hawd oo dabayaaqadii bishii September 2011-kii ay ciidanka Liyuu Booliska Kililka shanaad ee Itoobiya ay xabsiga Jigjiga u taxaabeen, isla markaana ay xukuno kala duwan ay ku riday Maxkamada Kililka shanaad ayaa shalay si rasmiya xoriyadooda loogu soo celiyay.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah madaxdhaqmeedyada ka hawlgalay soo daynta xubnahaasi oo shalay galab Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramay isagoo ku sugan magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya ayaa noo xaqiijiyay in xubnahaasi xabsiga Jigjiga ku xidhnaa muddo ku dhaw sagaal bilood lagu wareejiyay, isagoo Suldaanku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Qadiyada xubnahaasi ku xidhnaa xabsiga Jigjiga galabta ayaa si rasmiya xoriyadoodii loogu soo celiyay, waana 43 nin oo ka u yari 15 sano oo xadhiga ku xukunaa, halka qaar kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sidaa darteed waa nalagu soo wareejiyay dhamaantood-ba, muddo sagaal bilooda ayaanay xabsiga Jigjiga ku xidhnaayeen, sidaa darteed arrinkaasi xadhigoodu maanta ayuu si rasmiya noogu dhamaaday”
Xubnaha xabiga Jigjiga laga soo daayay ayay ciidamada Liyuu Booliska kililka shanaad ee Itoobiya ka qabteen badhatamihii bishii September 2011-kii deegaanka Dacawaley ee kililka shanaad ee Itoobiya, xilligaas oo colaado beeleed ay ka aloosnaayeen deegaanka

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo soo daayay maxaabiis

Postby Rightwing » Sun Jun 24, 2012 1:42 pm

Waan maqlay in arintan Salaadiin iyo Madaxweyna Kildhka shanaad ka heshiiyeen. Waa war fiican.
Ma runbaa nimakani iyagoo weerar ku socdaa la qabtay?

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo soo daayay maxaabiis

Postby Siciid85 » Sun Jun 24, 2012 5:53 pm

It is a good news the 43 men from the Arab Sheikh Isaaq clan are released.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests