Somaliland Waxba Ka Sheegi Mayno, Laakiin Waanu Yaabnay Markii Hartigii Iyo Samaroontii Cadka Weyn Qaadanayaan, Kuwii Aanu Halganka Soo Wada Galnayna Qatan Yihiin” Aareeye
Hargeysa (Ramaas) June 30,2012 – Mudanayasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ugu jira Gobolka Salal oo maanta si wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa ka dayriyey abaarta ka jirta deegaanada gobolka Salal, waxayna sheegeen in abaartaasi dishay dhowr qof.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Somaliland aanay shacabka reer Salal wax door ah ka siinin maamulka, iyagga oo ku dooday in reer Salal ay kaalin fiican ka qaateen halgankii dalka dib loogu xoreeyay, balse ilaa hadda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo aanay siinin wixii ay mudnaayeen, iyagga oo sidoo kale cabasho ka muujiyey in war-bixintii Madaxwaynuhu ka soo saaray abaaraha iyo deegaanada ay ka jirto aan lagu darin meelo badan oo ka mid ah gobolka Salal, kuwaasi oo sababta uu Madaxwaynuhu uga tagay ay su’aal galiyeen.
Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ugu horeyn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Shirkan Jaraa’id waxa uu daaran yahay abaar caam yeeshay Gobolka Salal, Saylac ilaa Buluxaar, Lawyocado ilaa iyo Xariirad, isma dhaamo dad iyo duunyaba, waxa lanoo soo shaagey inay dhawr qof ku dhinteen tuulooyin ka mid ah gobolka Salal”
Xildhibaan Cali Aareeye waxa uu su’aal ka keenay deegaano Madaxwayne Siilaanyo aan ku darin deegaanada Abaartu ka jirto ee gobolka Salal “Runtii baaqii Madaxweynuhu jeediyey aad iyo aad baanu ugu hambalyaynaynaa, inkasta oo maanta aanaan odhanaynin Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Axmed Siilaanyo wuu garan waayayaa Gobolka Salal, waayo 1987-kii ayuu halgankii Lugihiisa Saylac ku tagay maanta badh-buu iloobayaa marnaba meelaha abaartu ka jirto ismaanaan lahayn, malaha waa duruufta Madaxweynenimada iyo hawlo badan oo Maskaxdiisa mashquuliyey ayaa ilowsiiyey Deegaanadaas uu sheegi waayay”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo muujinaya sida beesha Salal u saluugsan tahay saamiga laga siiyay xukuumadda Somaliland “Halgankii ayaad wax ku leedihiin baanu lahayn ee ha soo hadal qaadina (Waxa idinka maqan) ha iska dulundulacayso, meeshay doonto ha gaadho maalinta Ictiraaf la helo ayaad idinku qolada labaad noqonaysaan ayaanu isku haysanay, laakiin haddaan tanba waxba lagaaga tarayn Ictiraafkuna halkeed joogi”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waanu yaabnay, laakiin inaanu wax ka sheegno (Xukuumadda) ma doonayno, waligeyna waxba ka sheegi mayno Somaliland, laakiin cuntaddu waxay ku fiican tahay waar ila cunta, haddii qoladii aanu halganka soo wada galnay iyaguna qatan yihiin oo la siinayo Hartiga iyo Samaroon waan ku farxi lahayn, haddii ay iyaguba cadka weyn qaadanayaan anagiina ay leeyihiin waxba ha cunina taasina mid la qaadan karo maaha”
Mudane Aareeye waxa uu fariin u diray shacabka reer Somaliland, waxaanu tilmaamay in aanay waligood xildhibaanada baarlamaanka ugu jira gobolka Salal aanay ka hadal saamiga iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan xukuumadda Somaliland “Waxaan leenahay dadka reer Somaliland waligeed intayadaa Xildhibaan maanu soo wada fadhiisan (Warbaahinta) oo maanu odhan waxbaa naga maqan, haddii ay saamigayaga tahay iyo haddii wixii aanu ku lahayn Somaliland tahayba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo u mahad-celinaya dadka gacanta ka geystay abaaraha ka jira gobolka Salal “Cidii abaartaa taakulo ka geysatay aad iyo aad baanu u hambalyaynaynaa ee reer Somaliland ah, lamana qarin karo qoladii Ramad ee Jabuuti ka yimid ee wax soo gaadhsiiyey abaarta Salal”ayuu yidhi
Xildhibaan Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Salal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan leeyahay dhammaan deegaamada gobolka Salal oo dhan abaartu waa mid saamaysay, waxaanu ku baaqaynaa dadkaasi abaartu hayso in loo sameeyo gurmad deg-deg ah, mid qaran iyo mid qurbo-joogba in loo gurmado”




allow dhowr 

