Wasiir Duur, Cabdi Aw Daahir iyo Xildhibaan Waabeeye oo shirka Daallo hortiisa Saamaxaad ku weydiistay Casayr C/qaadir
“halkaa waxa soo fadhiya Casayr C/qaadir waxaanu leenahay Casayr inaadeer aynu isa saamaxno” Wasiir Duur
“kaftanku wuu iska banaan yahaye meel salaadiinteena iyo siyaasiyiinteenu joogaan ayaynu dood ku gali” Casayr C/qaadir
Daallo: Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraalle Duur, Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir iyo Xildhibaan Waabeeye oo ah masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira Beesha Habar Yoonis ee ku shiraysa Buurta Daallo ee gobolka Sanaag isla markaana ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee loo tiriyo inay masuul ka ahaayeen dhacdadii C/raxmaan C/qaadir Xisbiga Kulmiye ku farasaaray isla markaana Dhaawacu ka soo gaadhay ayaa madasha Shirka Beeshooda Casayr C/qaadir oo C/raxmaan C/qaadir Walaalkii ah Saamaxaad kaga dalbaday Guurtida horteeda.
“masuulkaa khaldama, oo qofkaa khaldama, oo cid kastaaba way khaldantaa ee wixii aanu khalad lahayn waxaanu codsanaynaa in qofkii khalad noo arkayaaba uu tuuro anaguna wixii khalad aanu cid ka tirsanay waanu tuuraynaa Midnimaanu Idinku Sagootinaynaa” sidaa waxa ku tiraabay wasiir Duur oo Madasha shirka hor taagan Duub weynta Beesha Habar yoonis.
Wasiir Maxamed Nuur Carraalle Duur isagooo farta ku fiiqaya Casayr C/qaadir oo hortiisa soo fadhiya kana raaligelinaya wixii Kulmiye ay walaalkii ku sameeyeen yidhi “halkaa waxa soo fadhiya Casayr C/qaadir waxaanu leenahay Casayr inaadeer aynu isa saamaxno” ayuu raaciyay.
http://togaherer.com/wasiir-duur-cabdi- ... r-cqaadir/





