Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooyinka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooyinka

Postby Mr_Alfaas » Wed Oct 03, 2012 9:51 am

Ishanews(Sayla) Warar naga soo gaadhaya Deegaamada Gobolka HAWD ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa Maalinimadii Isniinta ilaa maanta oo Arbaco ah ay hadheeyeen walxo dusha sare kaga imanaya Deegmooyinka SAYLA BARI, SALLAXLEY iyo dhamaan tuulooyinka Gobolka HAWD, kuwaas oo sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal ah oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxa ay noo xaqiijiyeen in walxahaasi ay ka samaysan yihiin wax aad moodo Dun cudbi ah oo marka dhulka ay kusoo dhacaan baaba’aya, marka aad gacanta ku qabatana waxa aad dareemaysaa siifad ur ah oo aan la garanayn waxa ay urayso.

Hadaba Walaxdan ayaa waxa ilaa doraad si balaadhan ay ugu soo daateen deegaamadaas aan soo sheegnay oo aad u kala durugsan kuwaas oo dhamaan ka muuqda dhirta dushooda, kuna daatay baraagaha biyaha, waxaanay sheegeen in ay walaxdan ay uga shakiyeen markii hore mucjiso rabaaniya balse haddana ay uga shaki qabaan Sun kiimiko ka samaysan oo warshado laga soo qubay soona qubeen diyaarado aan la arkaynin.

Haddaba sida ay xaqiijinayaan dadkaas goobjooga ahi waxa ay sheegayaan in culayska ugu badan uu ku fadhiistay degmada sallaxley taas oo ilaa hadda aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo ay u geysteen dhinacyada kala duwan ee Deegaanka.

Waxa kale oo la sheegayaa in qar ka mid ah Khuburada Wasaaradda Caafimaadku in Maanta ay u baxeen degmada Qoolcaday oo iyaduna walxahaasi ku fadhiisteen.

Wixii Warar ah ee ilaa goordhaw nagu soo kordha waanu idin la soo socodsiin doonaa.

Burhan Farah

Hargeysa, Somaliland

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooy

Postby Mr_Alfaas » Wed Oct 03, 2012 9:52 am

Gabiley(HWN)-Dadweynaha kunool Deegaanada Degmooyinka Alleybadey iyo Geed-Balaadh inta u dhexeysa ayaa

Gabiley(HWN)-Dadweynaha kunool Deegaanada Degmooyinka Alleybadey iyo Geed-Balaadh inta u dhexeysa ayaa, walaax xoog leh ka qaba Walxo Kimiko ah oo kasoo daadaya dhinaca Samada eek u began Deeganadaas walxahaas oo aanay ilaa iyo hada aqoonsan waxa ay yihiin balse, ay umaleynayaan Sun.

Hadaba qaar kamid dadweynaha ku dhaqan deeganadaasi oo uga waramay waxan kaga soo daadanaya Samada islamarkaana, ay umaleynayaan Sun Shabkada Wararka Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyay in ay cabsi iyo walaac badan kusoo kordhiyay Waxan kaga soo daatey samada isagoo is jiid jiidanaya, islamarkaana sida xabagta marka uu dhulka soo gaadho u qabsanaya Ciida iyo dhirta daaqa ah iyadoo sida ay sheegeena walaxahani kasoo daadanaya samadu ay muuqaal ahaan u muuqdaan sida Saabuunta teydha ahi marka ay xoorinyso markuu dhulka soo gaadhana sida xabagta qabsanaya carada iyo dhirta.

?Waxani waa wax aanu aad ula yaabney oo cabsi galiyay dhamaanba dadweynaha kunool Deegaanadan Alleybadey iyo Geed-Baaadh u dhexeeya, waligayo hore umaanu arag wax noocan oo kale ah oo samada kasoo daadanaya, waxaanu bilowday ilaa shantii subaxnimo, waana wax u eeg cudbi sida teydha u xoorineysa, oo marka ay dhulka soo gaadhana sida Xabagta ayuu qabsanayaa carada iyo dhirtaba waxaanad arkeysaa markaad faraha taabsiiso in waxani yahey Sun waayo qadhmuun ayuu ku reebayaa gacantii oo hore ugama meydhmayo, mana garaneyno waxa uu isku badeli doono kolay waa wax aana aheyn wax caadiya waxaanad dareemaysaa markaad kasoo ag dhawaato urtiisa oo sida baaruuda ah iyo wixii oo sii baahaya oo sida xuubka caarada o kale e eta waaweyni sameyso u qabsanaya soonaha uu ku soo dhacey, ilaa iyo hada majirto cid xaqiijineysa waxani waxa uu yahey iyo cida kusoo daadisey samadan nagu began?Sidaa waxa yidhi Daa,uud Xaahi Bile(uur-lacag), oo kamid ah dadweynaha kunool deegaankaasi oo khadka isgaadhsiinta ugu waramay Shabkada Wararka Hadhwanaagnews.

Waxa kale oo uu intaasi ku darey in ay ahaayeen Walxahan samada kaga soo daadanayaa waxaanay waligood arag oo ay ilaa hada uga cabsi qabaan Caruurta iyo Xoolahaba islamarkaana ku baahay deegaanadaas waxaanu xusey in walxahani kusoo daateen inta toga u dhow oo isdaba taala Magaala Xeyd, Waalid-xoor ilaa Siyaarada Caliyood oo iyaduna dhinaca daanta Itoobiya uga talowsan Geed-Balaadh iyo Alleybadey.

Xoghayaha D/hoose ee Degmada Alleybadey Maxamed Xuseen Dheere oo uga waramey Shabakada Wararka Hadhwanaagews ayaa xaqiijiyay in arintani jirto islamarkaana ay baxayaan Gudoomiyaha Degmada Alleybadey iyo xubno kale oo soo ogaanaya waxani waxa ay yihiin isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi.

?Horta waxani ilaa shaley wey soo daadanayeen waxana lagu arkey in waxani yihiin walxo is jiidjiidanya oo shabaha xuubka caarada oo kale oo lakabyo lakabyo ah cirkana kasoo daadanaya islamrakaana dul fadhiisanaya geedaha iyo dhulka, waxaanu ku baahay dhul gaadhaya ilaa toban Km shaley wuxu ku koobanaa Waalid xoor ilaa dameera-boob maantana waxa uu gaadhey Tuulada laaye ilaa Magaala Farxaan, oo wuu soo kordhey kolay wixii intaa dheer Gudoomiyaha oo u mabxaey ayaa ilaa caawa warkiisa idin soo siin doona laakiin, war aan la xaqiijinin oo Xooladhaqatadu isla dhex mareyso ayaa jira kaas oo ah in kahor intii aan waxani soo daadan ay Diyaarad weyni martey eeriyadaas Subaxdii hore taas oo aanu isnidhi malaha waaba suntii la sheegayay ee Diyaaradauhu badaha ku shubi jireen?Ayuu yidhi Xoghayaha D/hoose ee Degmada Allebadey Maxamed Xuseen Dheere.

Sikastaba ha ahaatee qeylo dhaanta dadweynaha Xooladhaqatada ee deeganadaasi Degmooyinka Alleybadey iyo Geed-Balaadh ee katirsan Gobolkan Gabiley ayaa maanta is gaadhey iyadoo aanay arintan waxa Gurmad ah kasameynin wali Maamulka Gobolka Gabiley islamarkaana, aan laga warqabin in ay ogyihiin iyo inkale kadib markii aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino haseyeeshee telefoonadooda gacantu ay dansanaayeen, Waana markii ugu horeysay ee Deeganadan lagu ark wayaabaha noocan oo kale ah.



Wariye Craxmaan-Hiiraan

Hadhwanaagnews Gabiley Office

Email:hiiraan2007@gmail.com

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5233
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooy

Postby kaliil » Wed Oct 03, 2012 10:21 am

waar dad waxan soo baadha meesha haloo diro.

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooy

Postby Mr_Alfaas » Wed Oct 03, 2012 10:31 am

wali baadhitaanki waa socda, lakin dadku sun ayey ooga shakisanyihin

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5233
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Walax ka Samaysan Dun oo Cirka kaga soo Daadatay Degmooy

Postby kaliil » Wed Oct 03, 2012 10:39 am

wali baadhitaanki waa socda, lakin dadku sun ayey ooga shakisanyihin
waa macquul oo sun way noqon kartaa. dhulkeena(somalia oo dhan) cidi ma ilaaliso oo wixii la doono ayaa lagu daadin karaa. ilaahay uun baa og 20 ka sano inta waxe lagu daadiyay ama sun lagu aasay. ilaahay ha inoo sahlo.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests