A Geeraar For Respect before the Jihaad.
Raga Dhuuto ka meera
iyo raga Cawlyahan dhaafay
Iyo raga dhuurta Baho
Dhama ceelka shubaaya iyo
Cabdillaa Dhagax yaal
Awalkaa Dhamal jooga
Intaas oo isku dhaaban
Jeeraan dhex fadhiisto
Dhalashay kuma sheegto
Dhar-cadow kuma qaato
Dhuuniyow kuma quuto
Dharaaray kuma seexdo
Ma dhafaaro habeenkii
Dhagxumay kuma diido
Dhoolahaygu qosolkii
Dhagdhag baanan ka siinin
A Geeraar to Sultaan Diiriye Xasan upon Faaraax Nuur's victory against him.
Fardaa maydal la saaro
Iyo Xamar oogada madow
Suldaan mood iyo mood
Horaan kaaga il waayey
Axdinkii aanu guraynay
Sidii beelo aroor ah
awaaraa kicinaayay
Horaan kaaga ilaaway
Geela aydho iyo laan
ugubkii hunbulnayd
een usha kula dhacayanay
Abaal kaaga sugaynay
Horaan kaaga ilaaway
Adhigayga iyo geelaba
hablaa teeda ilwaad le
aqalkeedaba qaad
aduunkeyga kaxayso
Arab xoolo ma waayee
ajasheeda aan duuno
miyaanan kuugu ergaynin
oo sidaa kaaga il waayin
Abtirsiimada guudka
Iyo afkaa reer shekh isxaaq
Iyo awr ma dhufaanine
Waar maruun ii ogolow
Horaan kaaga il waawayey
Ma hadaan ku abaaray?
Ma hadaan ku ogaaday?
Oo isku aakhiro seegnay
oo indhihii ka warwareemay
oo aboor iiga mudnaantay
asaagi ba-Xawaadle
ayaan Abraahiim ku noqdayoo
hadaan tiina imaado
Inan lay dhisayaaa
aan il xun laygu dayayn
aad i amaani lahayd
aabahaa la cadaab!
A Geeraar for patience and nature of godness.
1. Rag sabaan ka sabaan baan,
2. Samaantuun badiyaa.
3. Haduu saakimi waayo,
4. Sariiraan u dhigaa,
5. Iska seexo idhaa.
6. Haduu saakimi waayo na,
7. Caanihii hasha Suub baan,
8. Saddex goor u lisaa,
9. Ku sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo,
11. Sumalkii rugta joogay iyo,
12. Sogobkaan u qalaa,
13. Haduu saakimi waayo,
14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa,
16. Haduu saakimi waayo,
17. Gabadh suurad wanaagsan baan,
18. Surrada ugu dhisaa.
19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo,
21. Sadadaan ku ladhaa,
22. Haduu saakimi waayo,
23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa.
25. Haduu saakimi waayo
26. Salaadaan lallabaa yoo
27. Meydal seedo madow iyo
28. Salligaan cuskadaa yoo
29. Sulub eebo ku joogtaan
30. Sarartaa ku dhuftaa
31. Sambabkaan ka baxshaa
32. Markaasuu sellimaa



