Page 1 of 1

Mujahid Hassan ciise jamac speaks to his supporters

Posted: Fri Dec 07, 2012 10:55 am
by The_Emperior5
Waxaanu Dhalinyaradda ku baraarujinay In wax la siistaa Jirin Qaranimadda Somaliland”
December 7th, 2012
Image
Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha ururka XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay inay dhalinyaradda taageereyaasha ururkiisa uu ku booriyay ahmiyadda nabad-gelyaddu u leedahay qaranimadda.

“Dhalinyaradda waxaanu ugu khudbadaynay Istaadiyamka Hargeysa, waxaanuna doonaynaa in nabada Somaliland oo qolyahayaga Xaqsoor aanu naf iyo maalba u hurnay, waxaanu doonaynaa in aan lanaga carsha-casrhayn, maadaama oo ururkani taariikh baal-dahab ah ku leeyahay dalka,”ayuu yidhin Xasan Ciise oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

“Waxaanu dhalinyaradda ku baraarujinay inaan wax la siistaa jirin qaranimada Somaliland, xoriyadiisa iyo nabadgalyadiisa. Dadka Mudaharaadayaa waxay u badan yihiin taageerayaasha Xaqsoor waana Caddaan.”

Guddoomiyaha XAQSOOR oo ka hadlayay asbaabaha mudaharaadkani ka dhashay, waxa uu yidhi “Doorashadii baa gobolo dhan la yidhi doorashada ka qayb-gali maysaan oo la duudsiyey xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, intii dhexena waa la boobay oo Koombuutaradii ayaa laga waayay oo markii dambe la galiyey cod intii hore ka yar.”