Hargeysa (GNS) - Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa dhalinyaro cadhaysani kala hor timid mudaharaad mar uu tagay Cusbitaalka Edna Aadan oo uu gabadhiisa u geeyey.
Warka aanu ka helnay ilo ka ag dhaw dhaw degmada Axmed Dhagax ayaa sheegaya in dhalinyaradan markii ay ka war heleen in wasiirku ku sugan yahay Cusbitaalka ay ku soo xoomeen, isla markaana ku dhawaaqayaan erayo ay ku doonayaan in wasiirka loogu soo saaro.
Wasiirka ayaa markii uu muddo ku xanibnaa cusbitaalka si hoos ahaan ah uga baxay, iyada oo ay dhalinyaradu ku xoomeen guud ahaan jihooyinka cusbitaalka.
Mulkiilaha Cusbitaalka Edna Aadan ayaa iyadu isku dayday inay dhalinyaradan kala dareeriso, balse kuma ay guulaysan.
http://gabiley.net/pages/tDetails.php?s ... audioFile=