Shirkii Golaha Wasiiradda ee saaka oo Qasriga Madaxtooyadda lagu qabtay oo lagu Ansixiyay Miisaaniyadda 2013 oo dhan boqol iyo shan iyo sideetan Milyan oo Dollar
Hargeysa(Waaheen) Kulan saaka Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Golihiisa Wasiiradda ayaa lagu Ansixiyay Miisaniyadd Sanadeedka Dawladda Dhexe ee 2013 ka oo dhan boqol iyo shan iyo labaatan Milyan oo Doolar, sidoo kale waxa lagu Ansixiyay Miisaaniyadda Dawladdaha Hoose oo dhan lixdan Milyan oo Dollar, iyadoo guud haaan Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkani isku noqonayso Dawlad Dhexe iyo Mmid Hooseba Boqol iyo shan iyo sideetan Milyan oo Dollar.
Miisanaayadda Sanadeedka 2013 ka ayaay ka muuqataa Korodhsiimo dhan boqolkiiba Soddon, taasoo ka dhigaysa Miisaaniyad Sanadeedkii hore inay soo wada baxday isla markaana sanadkan la filayo Odoroska la kordhiyay inuu soo bixi doono.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo shirka Golaha Wasiiradda hor geeyay Miisaaniyad sanadeedka 2013ka ee la Ansixiyay ayaa Golaha Faahfaahin ka siiyay qaabka iyo marxaladihii ay soo martay Miisaaniyaddani, waxaanu warbixintiisa ku faahfaahiyay qaabka ay u soo baxday Miisaaniyadii hore iyo halka ay ka filayaan ta sanadkan.
Fadhiga manta oo la filayay in lagu soo qaadi doono xaalada Cakiran ee ka taagan Berbera iyo degmooyinka kale ee ay muranka Natiijada Doorashada saamaysay





