Ceelafweyn (BurcoOnline) 26.12.2012 Waxa Saaka Fadhi Iskugu Yimi Golaha Xildhibaanada Dowlada Hoose ee Loo Doortay degmada Ceelafweyn Iyago Halkaas Saaka Ku Doortay Maayir Baashe Xandulle iyo Kuxigeenkana ay Ku Doorteen Maayir Kuxigeen Cabdi Muse.
Madaasha Maanta Loo fadhiyay ee Lagu Dooranayay Maayirka iyo maayir Kuxigeenka Degmada Ceelafweyn aya waxa ka soo Qayb Galay, Salaadiin, Boqoro, Xildhibaano Iyo Wasiir Kuxigeeno, iyo weliba Dadweyne aad uu Fara Badan.
Madaasha Lagu Dooranayay oo Ku sugna Boqor Buurmadow aya Halkaas ugu Hambaleeyay Maayirka Cusuub iyo Kuxigeenkiisa uguna Baaqay Inay Horumariyaanh Degmada Ceelafweyn iyado degmadani Tahay Mid aad uu Balaadhan,laakin sanadahi Dambe aga waday Horumar balaadhan, waxaano ugu Baaqay Inay Dadweynaha reer Ceelafwey iyo Qurbo Joogo Ka Qayb Qaatan Horumarka Ka socda Magaaladaasi.
Sido kale waxa halkaas ku hadalay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada iyo Masuuliyine kale oo badan




