Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mahamed Xashi accuses Siilanyo goverment of treason

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Tanker
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3607
Joined: Tue Dec 04, 2012 4:59 pm
Location: Enjoying my life :) I am so happy ! and endless succes has arrived in my life

Mahamed Xashi accuses Siilanyo goverment of treason

Postby Tanker » Thu Feb 07, 2013 4:31 pm

Haddii aan ku horeeyo, Qaab-Dhismeedka Qaranka: “Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka……., Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”. Waa ku talagal is-dheelitir ah. Qoraalkani, wuxu ku saabsan yahay, sidii loo sixi lahaa gafafkii is-biirsaday ilaa1991. Sida musuq-maasuqa baahay iyo Dastuurka, la baal-maray. kuwaas oo halis ku ah horumarka Dalka.
Waxana maamulka la toosin karaa, marka lagu dhaqanka sharciyada Dalka. Kuwaas oo Sal u ah: Cadaaladda, Nabad-galyada, Kobcinta dhaqaalaha & horumarka dalka guud ahaa ba. Waxa Dalka soo maray affar Madaxweyne, oo lagu dhaariyay:
DASTUURIGA Qod.129. “Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay In Aan U Noqonayo Daacad Diinta Islaamka, Dalkayga Somaliland, Dadkiisana Ku Maamulayo Sinnaan Iyo Caddaalad Inta Aan Xilka Hayo”. Haddii aan ku bilaabo, dhaqaaluhu waa laf-dhabarka Dawladi ku tamariso. Waa In la kobciyo kharashkana la dhimo, si dalka u dhismo dadweynuhuna daryeel u helaan. Waa arrin muhim ah, oo mudan ku talo galkeeda. Affarta Madaxweyne ee hogaanka Dalka soo maray, laba way geeriyootay ( A H N). Labada NOOL ayay faaladani khusaysaa, oo wadaga:- Burinta Dhaarta, Baal-maridda Dastuurkaiyo ku Tagrifalka hantida Qaranka. 1.Madaxwene Rayaale, muddadi xilku waxa ay kaga dhamaatay, adduun urursi iyo Daaro iibsi. Waxa kale oo laga dhaxlay, deyn ka badan, (U.S.D. toddobaatan milyan ($ 70 milyan), oo ayna ku jirin, daarihi iyo dhulkii Dawladda ee ay iibiyeen. WuxuRayaale TAHLI waayay, inuu bixiyo affar bilood Mushaharkii shaqaalaha, kii ciidamadana laba bilood. Waxa kale, oo deyn badan lagaga yeeshay: Raashinkii jeelasha, cusbataalada iyo ciidamada. Kharahkii hawl socodsiinta Jan-July 2010 oo ahaa; $ 22 milyan, dawladana bixisay. Xukuumadda Rayaale ma gaadheen bishii Sept. 2010, haddii aan doorashadii ka soo gaadhin.2. Madaxweyne Ahmed Maxamed wuxu yidhi, waxba uraacimaayo, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsatay.Ilaalinta hantida Qaranku waa waajib saran Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Waxanay ku caddahayDastuurka Qod.96-t.Ku xad gudub Dastuurka.
Mudnaanta Siyaasadda A. Dibadda, Daryeelka Dadweynaha Iyo Horumarka Dalka.
Aqoonsigii Somaliland ee 26 June 1960, halagu raadiyo, siffo sharci. Khudbaddii Madaxweyne Axmed ee 30 Jan 2013 qaybtii A. Dibaddu aad bay u fiicnayd. Balse waxa ay noqon, hal-bacaad lugu lisay, haddii laga qaybgalo shirka Somalia loo qaban doono May2013, ee Somaliland loo aqoonsan yahay, dawlad goboleed Somalia ka mid ah. Waa KHAYAAMO QARAN KA QAYB-GAL KEEDU. ARRINTA Somaliland way ka culus tahay, sheekaysii laba Madaxweyne, isu hor fadhiistaan. Waa in wada hadalku ahaado mid, innaga iyo iyaga ah, oo ka baxsan shirka goboleed Somalia. La soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waa GO’AAN AFTI- DADWEYNE. Waa in garyaqaano caalamiya iyo xog loo urursado, wada hadalada. Hay’adaha ajnabiga ee Dalka ku jooga, magaca Somalia, waa marag ,qiraal ah in aynu qayb ka nahay Somalia. Hay’aduhu ka joogeen Dalka magaca Jamhuuriyadda Somaliland ama DHAKHSO ha innoo dhaafeen. Baahiyaha iyana xusidda mudan:- In miisaaniyadda lagu daro waxa ka mid ah, dawada Umulaha oo ANGELA GORMAN- British, inagu caawiso, sidii loo yarayn lahaa dhimashada umulaha. Laba iyo tobankii UMULOOD ba (1/12) mid GEERIYOOTO. Dawooyinkaa umuluhu waa:- MAGNESIUM SULPHATE. Qiimuhu yahay: Ampoul sls 10,000 ama 1 tab 2,000 sls iyo MISOPRTOL 1 tab. sls 5,000 Umushii ba. Waa wax jaban. In miisaaniyadda lagu daro, $ 240,000 sannadkii, si bukaan-jiifka kalyuhu fadhiistaan, looga dhimo kharashka dawada. “HAANI GUNTAY KA TOLANTAA”. Xukuumaddu, xil ha iska saarto daryelka, Shaqaalaha iyo ciidamada. Sannadkii 2011 waxa loo kordhiyay mushaharka 100%. Talagalku wuxu ahaa, 100 % kale, in loo kordhiyo. Shanti sano ba, lagu jaan-gooyo maceshadda Dalka. Qod. 20- 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan…. Qod. 20- 5 shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.TALA-GALKII, KORODHKA MUSHAHARKA SHAQAALAHA / CIIDAMADA SANNADKII.


http://www.heemaalnews.com/index.php/bo ... ashi-cilmi

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Mahamed Xashi accuses Siilanyo goverment of treason

Postby Rightwing » Thu Feb 07, 2013 6:33 pm

Joliefille
Which Hisbi do you support?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests