Moderator: Moderators


Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis
Maxamed Biixi Yoonis ayaa ah diblomaasi heer sare ah oo u dhashay Somaliland, wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku dhamaystay magaalada Hargeysa, isagoo shahaadada Diploma ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee Hargeysa.
sannadahii 1970-naadkii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka maraykanka isagoo shahaado sare ka qaatay jaamacadda Harvard University oo uu ku bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna isla jaamacadda Harvard University ee dalka maraykanka ka qaatay cilmiga maamulka bulshada, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamig ah.
Maxamed Biixi Yoonis wuxuu noqday madaxii maalgelinta ee Baanka horumarinta Afrika, sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.
Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.
Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Halbeegnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.

Wtf, this shit is unheard of.
Bye bye Dr bidaar.
Can we have clans please.




Bisinka, we might be witnessing the frustration of Ahmed Silanyo, the man is sick and tired, I remember he said once in a interview that 'Somaliland will fight for independence even for 100 hundred years' Guys midnimo is the way





Return to “Politics - Somaliland”
Users browsing this forum: No registered users and 12 guests