Page 1 of 1

Young Man assassinated in Maamulka Waqooyi

Posted: Sat Aug 24, 2013 6:24 am
by AhlulbaytSoldier
Amaanka Magaalada Hargeysa oo qalqal galay kadib markii xalay Magaalada lagu dilay…


Bartamaha magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland waxaa xalay lagu dilay qof Rayid ah, iyadoo kooxihii dilka geystayna lagu soo waramayo ineey goobta ka baxsadeen.
65791-MIG-in-Hargeisa-0Dilkaan ayaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay xaafada Siinaay, waxaana wararka ay sheegayaan in ruuxaan la dilay oo ahaay nin dhalinyaro ah ay dileen kooxo ku hubeysan Biskoolado.
Dhawaca wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa kadibna halkaas uu ku geeriyooday.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland, halkaasoo howlgalo ay ka sameeyeen, waxaana lasoo warinayaa in ay dad farabadan oo lala xiriirinayo dilkaas ay qabteen Ciidamada booliska.


Saraakiisha Ciidamada Booliska oo hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano, cadeymo cadna ay goordhow warbaahinta usoo bandhigi doonaan.
Dilkaan ayaa waxaa ka hadlay Ehelada wiilkan la dilay, waxayna sheegeen inaan ilaa iyo hada la ogeyn sababta loo dilay iyo cida dishay.
Shacabka ku nool magaalada Hargaysa ayaa saakay arintaan aad u hadal haaya, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo qof rayid ah kooxo ku hubeysan Biskoolad ku dilaan, iyadoo falkaana uu shaki weyn galin karo in Al-shabaab ay si toos ah uga howl bilaabeen deegaanada Somaliland.
Somaliland ayaa ka nabdooneyd deegaanada Koofurta Soomaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay.