I told you guys weeks back the oil exploration has been put to halt in this area unless the demands of the inhabitants are met.
Burco-Shir Sadex geesood ah oo maal-mihii u danbeeyay la filaayay ayaa caawa ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer
Burco,-Shirkan oo la doonaayo in xal loogu raadiyo ismariwaaga ka taagan hawlaha Shidaal baadhista ee Konfurta gobolka Togdheer ,gaar’ahaan deegaanka
Sanyare iyo Waraabeeye ayaa waxa ku kulmay Guriga Martida Burco sida ay Ilo lagu kalsoonyahay Qarannews u xaqiijiyeen,Wafti uu ka midyahay Wasiirka
arimaha gudaha Md Cali Warancade ,Gudiyadda Beelaha galbeedka Burco oo ay horkacayso Talo Iyo Tawfiiq Madaxda sare ee Shirkadda Genel Energy ee
Ajanabiga ah iyo waliba Maalqabeenka Shirkadda Petrosoma Maxamed Cali Guray.
Gudiyan galbeedka iyo Konfurta Burco ayaa la sheegay in ay shirkan wasariika arimaha gudaha ku hordhigeen qodobo ay xanbaarsanaayeen ,kuwaasi oo la
sheegay in ay ka midyihiin ,In Beelaha galbeedka Burco ,sida Hy ,Ciise Muuse Iyo Arab Shirkadda Genel Energy ka helaan Saamigooda shaqo $ mida gaadiid ee
deegaamadooda .
Waxa kale oo la sheegay in ay qodobadan ka mid ahaayeen in beelaha Galbeedka iyo Konfurta Burco ay saamigooda ka helaan Mashaariicaha Dhinaca NGO-yadda
iyo Horumarinaha ay qandaraasyadda ku bixisay Shirkadda Genel Energy ee ay siisay Beesha Siilaanyo ee Bariga Burco iyo Waliba in taladda wax laga siiyo.
Sidoo kale Shirkan oo loo diiday saxaafadda ayaa waxa iyana ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka Degmadda Burco ,waxaana la filayaa in uu socdo
ilaa barito ,inkastoo aaney wali wax qodoba ahi ka soo bixin .
Geesta kale Shirkan xaasaasiga ah ee dhinacyaddan Burco uga furmay ayaa ku soo beegmay xili ay laba kaclaysay Xiisadda Genel Energy iyo Beelaha Galbeedka iyo Konfurta Burco ,gaar’ahaan Jiida Waraabeeye iyo Sanyare ka dib markii ay Shirkada Genel Energy ay indhaha ka lalisay ,dadweynaha ku dhaqan deegaamadda ay
baadhistu ka socoto ,isla markaana ay ciidamo RRU ah iyo cagafyo is barkan galisay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaamadaasi ku dhaqnaa ,
taasi oo horseeday in ay ciidamo beeleedyo xoogani ka horyimaadaan.
Shirkadda Genel Energy oo ay gacanta ku hayaan ama ay ka faa’idaystaan Shakhsiyaad beesha Siilaanyo ka tirsani oo madaxtooyadda laga soo qoray isla
markaana sheegi-jiray in aaney cidna u joojinaynin ayaa hada u muuqaday in ay indhaheedu wax arkeen isla markaana ku soo noqday miiska wada xaajoodka.
http://burcomedia.com/2013/08/war-deg-d ... ha-gudaha/
http://www.togdheernews.com/v2/?p=53065
http://oodweynenews.com/2013/08/shir-xa ... ha-gudaha/





