Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ron
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 415
Joined: Sun Jan 01, 2012 9:22 am
Location: be good

Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE

Postby Ron » Sun Nov 17, 2013 4:51 pm

Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE iyo loollan loogu jiro hanashadda Taageerada Wakiiladda (SAWIRRO)

Image
November 12, 2013 (HOL) — 11 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

Munaasibad balaadhan ayaa loogu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay madaxda xisbiga KULMIYE, wasiiro, Xildhibaano iyo taageerayaashoodii.

Xildhibaanadda oo ka soo digo rogtay xisbigii UDUB ayaa sheegay inay ugu soo biireen KULMIYE waxqabadka balaadhan ee uu dalka ka wado, isla markaana qiimeyn dheer ka dib go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga taladda haya ee kulmiye.

Xisbiga muxaafadka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn usoo dhoweeyey 11 xildhibaan ee ku soo biiray xisbiga, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay awoodda balaadhan ee ku so biiray.

Sido kale, gudoomiye Biixi waxa uu si adag uga hadlay shirweynaha xisbiyada mucaaradka ku baaqeen inay qabanayaan, isagoo xusay in aanu dastuurku ogoleyn, isla mrkaana qofna aan laga aqbalayn inuu gees maro xeerarka u yaala Somaliland.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay 11 kii Xildhibaan ee golaha Wakiiladda ee ku soo biiray xisbiga, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee xukuumada iyo xisbiguba u shaqaynayaan.
Image
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ahaa siyaasyiintii sida adag uga soo horjeeday xukuumada, isla markaana mar walba soo bandhigi jiray dhaliilaha xukuumadda ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga muxaafadka ah Ee kulmiye.

“Markii aanu qiimanay saddexda xisbi qaran, waxa noo soo baxday in xisbiga KULMIYE yahay xisbi wax lagu darsan karo, isla markaana xukuumadiisu qabatay wax badan, waxa laga yaabaa inay dadku is waydiyaan waar miyey u kaadiyaan bilow khilaafkaasi ku burburaan, laakiin waxaan u sheegayaa in xisbiga kulmiye isagoo mucaarad ah khilaaf ku burburi waayey, lagamana filayo in isagoo dawlad leh uu burburo”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka hadlayey sababta ugu soo biireen kulmiye.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka hadlay xildhibaano badan oo ka sheekeeyey sababta ay ugu biireen inay tahay ka dib markii deegaanada ay ka soo jeedeen ee laga soo doortay xukuumaddu wax u qabatay.

Xildhibaanadda ku soo biiray KULMIYE ayaa laga soo doortay gobolada Awdal, Hargeysa, Sool iyo Sanaag kuwaas ka mid ahaa xildhibaanada ugu cadcad ee sida xooga ah uga soo horjeeday xukuumada, isla markaan aaad u dhaliili jiray, iyago inta badana looga bartay inay mucaaridaan xukuumada, haseyeeshee hadda isku bedelay kuwo muxaafad ah oo xukuumadda difaaca.
Image

Image

Image

source: http://www.hiiraan.com/news/2013/nov/wa ... -44038.htm

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests