Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Muuse Biixi used and discharged

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
BoholKing
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1072
Joined: Sun Jan 12, 2014 1:53 pm
Location: In Xarshow by the beach

Muuse Biixi used and discharged

Postby BoholKing » Sun Feb 23, 2014 3:37 am

Xukuumadda oo Sheegtay In Heshiis Laga Gaadhay Khilaafkii Cilinkiisa la Saari-waayey Ee KULMIYE

Hargaysa(Ramaas) Feb.23. 2014-Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in heshiis laga gaadhay khilaafkii cakirnaa ee hore uga dhex oognaa hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed Xalay kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Guddidii turxaan bixinta Xisbiga talladda haya ee KULMIYE, ayaa ku
dhawaaqday 9 Qodob oo ay ugu tallo-galeen in lagu furdaamiyo khilaafkii cakirnaa ee muddooyinkii u dambeeyey ka dhex oognaa Xisbigaa.

Khilaafka Xisbiga KULMIYE oo salka ku hayey loollan la xidhiidha xulista xubnaha Xisbiga hoggaanka iyo musharaxiinta Xisbiga ugu tartami doona Doorashada Madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sanadka 2015, ayaa xubnihii ergada Madaxweyne Siilaanyo u saaray furdaaminta Khilaafka Xisbiga oo badidoodu
aanay isku sal banaanayn Gudoomiye Muuse Biixi, waxay Saaxada ka saareen damacii jaggada Musharaxnimada Xisbiga ee
Mujaahid Muuse Biixi
oo faynalkii ay isugu soo hadheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Shir Madaxtooyadda lagu qabtay oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, Wasiiro iyo Xubno ka mid ah Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga, ayaa lagu shaaciyay
qoddobada Guddida turxaan bixintu soo saartay, qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan: “Mudaneyaal, sida aad la socotaan waxaa madaxweynaha
JSL u magacaabay gudi turxaan bixin khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha sadexaad
ee Xisbiga KULMIYE. Gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh uga hawl gashay shaqadii loo igmaday. Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayey iyadoo dhinacwalba la yeelatay sadex kulan oo gaar ah.
Si khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shakhsi shakhi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayey kaas oo ay u kala dab qaadaysay (shuttle diplomacy). Kulamadaas gaar gaarka ah ka dib waxay gudigu si toos ah isu soo hor fadhiisiyey dhinacyadii wax kala tirsanayey kuwaas oo dhinac waliba ku soo bandhigay wixii uu tirsaanayey si furan oo saraaxad leh.

Hadaba gudigu iyada oo tixgelinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii shirwaynaha xisbigu ugu qabsoomi lahaa wakhtigii loo cayimay iyadoo dhammaan xisbigu
mid yahy. Gudidu markii ay dhagaysay doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxadleh u deristay nuxurka khilaafku ku salaysan yahay waxay soo saartay go’aamadan:-

1. Waxaa awooda qaban qaabada iyo diyaarinta shirka iska leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxaana gudidaas musdanbeed u noqonaya hogaanka Xisbiga.

2. Iyada oo raacayo Dastuurka Xisbiga waxay gudiga fulintu ansixinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qaban-qaabada,

3. Hadii loo baahdo waxka bedelka Dastuurka Xisbiga waxaa awooda diyaarinta waxka bedelka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doonta Shirweynaha.

4. Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya
guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada

5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta ee xisbiga.

6. Gudida Fulinta ee cusub waxaa soo magacaabaya hogaanka xisbiga oo wada jira , waxaanay kala tashanayaan Madaxwaynaha JSL.

7. Saddexda Urur ee kala ah Dalsan, Damal iyo Umadda waa in la siidaayo liisaska xubnaha Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda .

8. Sida uu dhigayo sharciga xisbigu Ergooyinka Shirwaynuhu waxay ka imanayaan gobolada iyo degmooyinka, waxaana soo xulaya madaxda xisbiga ee degmooyinka
iyo Gobolada iyo masuuliyiinta heer qaran ee xisbiga u matalaya gobolada iyo degmooyinka .

9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe ee lagu dooran doono shirwaynaha waxaa lagu soo xulayaa sida ku cad qodobka Sideedaad@.

Xubnaha Guddiga Turxaan-bixinta Xisbiga KULMIYE:

1. Wasiirka Arrimaha Dibada (Gudoomiye )

2. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga (Gudoomiye-ku-xigeen)

3. Xil.Cali Xasan Maxamed (Xoghaye )

4. Wasiirka Duulista Iyo Hawada

5. Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare (Xubin )

6. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (xubin)

7. Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka iyo Dib-u-Jihaynta (xubin)

8. Xil.Maxamed Axmed Obsiye (xubin)

9. Xil.Cabdirahmaan Abubakar Good (xubin)

10. Cabdillaahi Jaamac Geel jire (Xubin).”


Ramaasnews

Hargaysa Desk
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... 427bx.dpuf

User avatar
Meyle
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3519
Joined: Tue Aug 28, 2012 3:36 pm

Re: Muuse Biixi used and discharged

Postby Meyle » Sun Feb 23, 2014 7:06 am

Muuse Biixi has always been a dibjir. My uncles who were in the SNM laugh when I mention his name, they say he was a complete waste of space but I believe Kulmiye is also waste of space. If the elections are postponed because of discord and irregularities, Silaanyo, his wife, Xirsi the midget and the entire cabinet should be publicly executed or hanged.

User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15174
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: Muuse Biixi used and discharged

Postby ZubeirAwal » Sun Feb 23, 2014 11:18 am

^I agree with the notion that the Silaanyo rule should be one that will never repeat in the future but executed? damn :lol:

User avatar
Warabaha
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1724
Joined: Thu Jan 23, 2014 5:41 pm

Re: Muuse Biixi used and discharged

Postby Warabaha » Sun Feb 23, 2014 12:04 pm

Muuse Biixi has always been a dibjir. My uncles who were in the SNM laugh when I mention his name, they say he was a complete waste of space but I believe Kulmiye is also waste of space. If the elections are postponed because of discord and irregularities, Silaanyo, his wife, Xirsi the midget and the entire cabinet should be publicly executed or hanged.
i wish we had more people like you Sxb :sland: :up: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 22 guests