Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32032
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby Khalid Ali » Sun Jun 29, 2014 6:13 am

Somaliland Oo Meel Adag Iska Taagtay Maamulka Hawada Ee Somaliya Doonayso In Qaramada Midoobay Ay Ku Wareejiso
Image
Hargeysa(ramaas)June.29.2014-Dawladda Somaliland, ayaa meel adag iska taagtay dedaallo dawladda Soomaaliya ku doonayso in qaramada Midoobay ku wareejiso Maamulka Hawada, waxayna Somaliland sheegtay in aanay dhici Karin in hawada Somaliland laga maamulo Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti ay ka mid ahaayeen wasiirrada Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka oo toddobaadkii hore socdaal ugu kicitimay Magaalada Nairobi, ayaa hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada u gudbiyey mowqifka Somaliland ee la xidhiidha Maamulka Hawada, taasi oo deba socotay hadal uu dhawaan Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya ku sheegay in hay’adda ICAO ku wareejinayso Maamulka hawada.


Wasiirka Duulista Somaliland oo shalay dalka dib ugu soo laabtay iyo xubnaha kale ee Weftiga oo iyaguna maanta soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxay kaga hadleen maxsuulka safarkii Nairobi iyo mowqifka iyo gar-naqsiga ay u gudbiyeen hay’adda ICAO.


Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa hore loogu heshiiyey in Guddi ka Madax-banaan dawladaha (Somaliland iyo Soomaaliya) ay maamulaan hawada, xarunta laga maamulayaana noqoto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida muuqata walaalahayo Soomaaliya heshiiskaasi way baal-mareen, markii ugu dambaysay ee aanu kulannayna muran-bay ka keeneen hadalkii qoraa ee lagu heshiiyey, imikana annaga oo ku heshiinay in bisha koowaad ee sanadka 2015-ka maamulka hawada gacmaha Soomaalida dib loogu soo celiyo, mudada ka horeysana la isla eego qaabka wax loo maamulayo, khilaafaadka soo dhex galeyna la saxo, qodobka ay tafsiirkiisa qaldeena ay soo saxaan, ayaanu ku kala nimid markii u dambaysay…”


Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa kale oo uu sheegay “Qaramada Midoobay waxay soo dirtay wefti culus oo qiimaynaya Madaarada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo hawshaasi socota ayay Masuuliyiin ka mid ah Soomaaliya tageena xarunta qaramada Midoobay ee laga maamulo hawada ee Mountreal, waxay la tageen dacwad ah Maamulka hawada ha lanagu wareejiyo, anaga ayaa dawladdii ah’e. Arrintaasina waxay baalmarsan ku tahay heshiiskii hawada laga waday, ayna adag tahay si arrintaasi isfaham buuxa looga sameeyaa. Arrintaasi markii aanu xogteeda hellay, weftigayagan culus ee Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka oo naga dambeeyay (Wasiirka Gaashaandhigga) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, shaqooyinkii aanu Nairobi u tagnay ayay ka mid ahayd inaanu beesha caalamka u gudbino mowqifka Somaliland arrintan ka taagan tahay, inaanu beesha caalamka iyo qaramada Midoobay uga digno khataraha ka iman kara muran ka dhasha hawada ama khilaaf hor leh oo hawada ka dhasha, Soomaali khilaafkii dhulka ayay qaadi la’dahay, mid cirka ah oo ku soo kordhaana halisihiisa ayuu leeyahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba waxa ka go’an inay hawadooda gaar u maamushaan, qaramada Midoobayna waanu u sheegnay in Somaliland tahay dal maamul leh, xuduudo sugan leh, cir sugan leh, waxaanu u gudbinay FIR gaar ah (Flight Information Region), dalal waxa jira aan Marxadaladdeena oo kale ku jira oo leh FIR, waxaana ka mid ah Taiwan iyo Falastine, waa dalal sideenna oo kale aan aqoonsi helin, arrimahaasi oo daliil cad ah ayaanu u gudbinay. Waxaanu u sheegnay in xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland oo isku duubani aanay marnaba ogolaanayn in hawadooda laga maamulo Muqdisho, waayo dawladda Soomaaliya ka xukunto halkan, mana maamuli karto hawadeena. Mudada ka horeysa inta la inoo qaybinayo waxaanu ogollahay in Maamulka Hawada ay gacanta ku sii hayso qaramada Midoobay, taana si wanaagsan oo togan-baanu ugu gudbinay, duniduna way noogu wada garaabeysay inaanu gar leenahay, wax na yidhaahda waad gardaran tihiin maanu arag”


Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, waxa uu ka digay mushkilado uu hawada labada dal u horseedo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya “Hawadu waxay u baahan tahay bad qab, waayo diyaarado badan-baa hawadn mara, 150 diyaaradood-baa mara hawada Somaliland iyo Soomaaliya 24-kii saacadoodba, haddii si wanaagsan loo maamulana waxa mari kara in intaa ka badan, qaar badan-baa ka baydhay , haddii khalkhal iyo murug soo gelana cidna ku lulan mayso, Somaliland-na maaha dad go’aan loo gaadho…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Qadiyaddani noqon mayso mid aanu Soomaali oo kaliya kala hadlayno, cidda ugu horeysa ee aanu kala hadlaynaa waa qaramada Midoobay, waayo cidda wax noo haysaa waa iyaga, waxaa ay hayaan ayaynu wax ku leenahay. Ta kale Somaliland waxa ka go’an inay tallaabooyin adag qaaddo haddii maamulka hawada lagu wareejiyo Soomaaliya. Imikana hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, laakiin waxa jira han ay ku doonayaan inay la wareegaan, mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, mowqifka Somaliland-na wuu cad yahay, go’aankana qaramada Midoobay-baa leh, mid aynu innagu gacanta ku hayno maaha, iyaguna mid ay gacanta ku hayaan maaha, martina ugama nihin Soomaaliya, innagu cidda aynu martida uga nahay waa cidda wax inoo haysa. Bulshada caalamkana waxaanu ugu sharaxnahay si garasho leh, bulshada Somaliland waa bulsho nabad jecel, waa bulsho taqaana sida loo heshiiyo, waa bulsho taqaana heshiisyada sida loo dhowro, intaasi oo kaliya maaha ee colaaddana waanu naqaanaa”


Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay “Sida Wasiirka Duulistu sheegay arrinka hawada waxa gacanta ku haysa qaramada Midoobay, Turkiga waanu kaga wada hadalley (Soomaaliya), mowqifka ay Somaliland qabtana waanu u caddeynay, taasina sida wasiirku u sheegay marka go’aan dhaco ayaa taladeeda la goosan doonaa. Sida Qaramada Midoobay u shaqeyso markaan eegana, waxaan qabaa in aanay ku deg-degayn in cid la siiyo hawl laba qolo u dhaxeysa..”ayuu yidhi, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... Cv2ny.dpuf

http://www.boramanews.com/index.php?opt ... &Itemid=53

StormShadow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2603
Joined: Sat Feb 22, 2014 11:00 am

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby StormShadow » Sun Jun 29, 2014 6:24 am

Didn't Somaliland agree to have the money from airspace currently in the UN reserve split half and half with muqdisho?

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32032
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby Khalid Ali » Sun Jun 29, 2014 6:31 am

Didn't Somaliland agree to have the money from airspace currently in the UN reserve split half and half with muqdisho?

We have an agreement but the Mogadishu based government does not want to honer the signed agreement , to have the airspace control in hargeysa and share the revenue untill we reach a final settlement .But u can never trust walanweyns they say one thing do the other :lol:

User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby waraabe251 » Sun Jun 29, 2014 6:45 am

why am i not surprised at the broken agreement. The only thing we should share with walanwaynes is a border

User avatar
Hawdian
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2491
Joined: Thu Jul 04, 2013 8:02 pm
Location: Berbera to Tis Abay with one step.

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby Hawdian » Sun Jun 29, 2014 7:18 am

Hutus don't know agreement or promise. They only know their calool, calooley, dhuuso and the pocket.

Idoor are barking on the wrong tree.
Last edited by Hawdian on Sun Jun 29, 2014 7:23 am, edited 1 time in total.

User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby waraabe251 » Sun Jun 29, 2014 7:22 am

Hutus don't know agreement or promise. They only know their calool, calooley, dhuuso and the pocket.
the only things they know is digir, niiko and how to use a machete to kill 12 women and 6 children at 3.45 am in the morning

User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby LiquidHYDROGEN » Sun Jun 29, 2014 7:29 am

Why am I not surprised that the two xabashi-lovers are giggling and butt-clapping?

BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5992
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby BigBreak » Sun Jun 29, 2014 7:34 am

Why am I not surprised that the two xabashi-lovers are giggling and butt-clapping?
wake up bro somaliweyn is a fantasy

User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby waraabe251 » Sun Jun 29, 2014 7:42 am

Why am I not surprised that the two xabashi-lovers are giggling and butt-clapping?
this man is a traitor to his people. His likes were helping destroy burco and hargeisa

User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: Tension rise high between SL govt and the Mogadishu govt

Postby LiquidHYDROGEN » Sun Jun 29, 2014 9:24 am

Why am I not surprised that the two xabashi-lovers are giggling and butt-clapping?
this man is a traitor to his people. His likes were helping destroy burco and hargeisa
Traitors are the morons who don't have policy except xaarkooda walaaq for almost a quarter of a century.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests