SayidCusmar

maxaad tidhi oodweyne ayaa Hargeysa iyo Burco subsidize garaysa!
Walee waatan ruwaayadii oo cageheega ku sucataa.
Qodobo dhawr ah oo intaba, aniga fikirkayga, aad si khaldan u sharaxday ayaan arkaa, laakiin marka kobaad aan ka qanciyo qodobka ugu muhiimsan qodabada aad ka hadashay, kaas oo ah qaab cashuureedka xoolaha nool ee Somaliland.
Inta aan ka ogahay, dawlada dhexe waxay xoolaha nool si toos ah u cashuurtaa kaliya marka ay ka dhoofayaan Berbera. Meelaha kale sida sayladaha iyo maxjarada Burco iyo Hargeisa waxa cashuurta qaada dowladaha hoose ee magaalooyinkaasi leeyihiin. Ma hubo in magaalooyinka ay sayladuhu ku yaalaan saami u jaraan dawlada dhexe iyo inay dhamaan cashuurta iyagu jeebka ku shubtaan. Laakiin waa arin si dhib yar aan u hubin karo.
Sanadkii hore mar uu London noogu yami xilaabaan golaha deegaanka Burco laga doortay oo la yidhaa Mubaarak Bidhi, waxaan weydiiyay lacagta soo gasha dawlada hoose ee Burco intay leegtahay. Wuxuu ii sheegay inay tahay inta u dhaxaysa 120,000 dollar ilaa 150,000 dollar bishii kasta, tiyoo ay ku xidhan tahay hadba bisha iyo xilaga lagu jiro. Wuxuu sidoo kale iigu daray in lacagtaa badankeedu ka soo xarooto cashuurta xoolaha nool ee saylada Burco. Taa micneheegu waa inay xoolaha nooli ay ahmiyad gaara u leeyihiin Burco.
Su'aasha muhiimka ahi waxay tahay, ma dawlada Somaliland ayaa Burcana ka dhigtay Saylada xoolaha ee ugu weyn geeska afrika, Oodweynana ka hortaagan oo u diidan in saylad ama maxjar laga furo?
jawaabta su'aashaas oo fudidi waa maya, Burcona ganacsata iyo shacabkaa ayaa xoolahooga keensaday si looga iibsado saylada halkaas ku taal, Oodweynena la soo garab maray. Hadii barito nin ganacsade ahi uu oodweyne maxjar ka furto oo ay noqoto suuq ganacsiga xoolaha ah, cid u diidaysaa ma jirto. Hadii dawlada hoose ee Oodweyne damacdo in ay cashoorta ka qaado maxjarka ama saylada cid hor istaagi kartaa ma jirto.
Laakiin meel aan saylad, suuq xoolo iyo maxjar midina ku oolin sida ay cashuur u qaadi karto adiga ayaa nooga warami doona?
Dawladu kumay khasbin in Ina Afdiinle uu qaadkiisa ka soo galiyo xuduuda dhinaca Gabiley. Isaga ayaa danno ganacsi oo u gaar ah sidaas u doortay.
Hadii uu barito uu damco inuu soo mariyo qaadka dhinacaa iyo Salaxlay cid u diidaysaa ma jirto. Cashuurtana waxa lagaga qaadayaa hadba degmada uu xadka ka soo galo.
Sxb, ariku waa caynkaase sidaa ula soco.