Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Galaydh: we will talk to SL govt but never to Puntland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30806
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Galaydh: we will talk to SL govt but never to Puntland

Postby Khalid Ali » Sat Nov 08, 2014 4:37 pm

GALEYDH: Somaliland waan la Hadlaynaa Balse Puntland Rajo kama Qabno

SHIR NAIROBI12.jpg
Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamuka Khaatumo ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay wadahadallo uu la yeesho Somaliland, isagoo gaashaanka ku dhuftay wadahadal uu la yeesho Puntland.

Prof. Galeydh oo sidoo kale ka hadlay khilaafka madaxda dowladda Somalia ayaa sheegay in khilaafkan uu habsaamiyay howlihii dowladdu ay qaban lahayd, wuxuuna xusay inuu isagu u arko in howlaha xukuumadda dastuurku xaq u siinayo ra’iisul waasaraha Somalia.

“Haddii maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wadahadal, innagu diyaar ayaan u nahay mana qarsanayno, hadde ma ahan wadahadal lala meelaha lagula dhuumanayo, waayo hadda ayay yiraahdaan innaga iyo Khaatumo wadahadal ayaa noo socda, waa been ma jiraan wax wadahadal ah oo noo socda. Ciidamada Somaliland waa inay ka baxaan dhulka Khaatumo,” ayuu yiri Prof. Galeydh.

Sidoo kale, Cali Khaliif wuxuu ka hadlay rajada uu ka qabo wadahadallo uu maamulkiisu la yeesho Puntland. Isagoo yiri. “Qolada leh dastuurka waxaa iigu qoran gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn aniga ayaa maamulka oo iska leh, waxayna intaas ku dareen in haddii dadka afti laga qaado ay 90% ay maamulkooda taageersan yihiin. Marka aniga iima muuqdo wadahadal i rajo gelinaya oo annaga iyo Puntland na dhexmari kara.”

Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo xildhibaan ah dowladda federaalka Soomaaliya, xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ayaa rajo xumo ka muujiyay dariiqa ay ku socoto siyaasadda Somalia, isagoo xusay in Soomaaliya lagu hayo faragelin shisheeye oo xooggan.

Prof. Galeydh ayaa ka hadlay khliaafka u dhexeeya madaxda dalka, isagoo sheegay in khilaafkan uu habsaamiyay howlihii dowladda, isagoo xusay in aanu doonayn inuu si gaar ah uga hadlo labada mas’uul ee is-haya, balse uu ka hadlayo dastuurka uuna qof walba shaqadiisa u madax-bannaanaado.

“Xamar hadda waa la isku habsaamay, runtiina howlo badan ayaana taalla taas oo lagu doonayo in marka la gaaro 2016-ka ay dhacaan waxyaabo ina rajo-geliya,” ayuu yiri Galeydh oo intaas ku daray. “Dowladdeennu waa mid baarlamaani ah. Dastuurka dalkana waxaa ku yaalla howlaha xukuumadda waxaa leh ra’iisul wasaaraha.”

Hadalladan ayuu Prof. Cali Khaliif ka sheegay kulan soo dhaweyn ahaa oo xalay loogu sameeyay duleedka magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha maamulka Khaatumo ee ku nool Washington iyo hareeraheeda.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Nov/wa ... FMojD.dpuf

User avatar
Hodan94
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4928
Joined: Sat Jun 09, 2012 4:16 pm
Location: cirka iyo dhulka dhexdooda.

Re: Galaydh: we will talk to SL govt but never to Puntland

Postby Hodan94 » Sat Nov 08, 2014 7:22 pm

Hahahaha hahaha hahahahah

what happened to harti brotherhood?
all in all its about time dhulos cooperate fully with the sl govt.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests