Jun 2, 2015 - 224 Aragtiyood
Hargeisa (Kalshaale) Xubin ka mid ah xubnaha golaha wakiilada ee maamulka Hargeysa laguna magacaabo Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, kana soo jeeda deegaanka Sanaag isla markaana u dhashay degmada Laasqoray oo ka mid ah xubnaha ka hawlgala magaalada Hargeysa ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay arrimo aad looga argagaxay oo tilmaamaya yasida iyo qaabka loola dhaqamo ee qabyaaladeynsa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xubintan oo shir jara’id ku qabtay xarunta lagu magacaabo Golaha wakiilada ee maamulka Hargeysa ayaa sheegay in qaab qabyaaladeysan safaro looga reebay , laguna yidhi adigu Daarood ayaad tahay ee nin habarjeclaa ku baxaya fiidaha, siminaarka Adis Ababana ka qayb galaya.
Xubintan ayaa sheegtay in Faysal Cali Waraabe u hanjabay, oo uu ku tilmaamay wiil yar oo badhan ka soo orday isla markana aanu ugu talinayn hargeysa, xubintan oo cadho ka muuqato ayaa yidhi tolkay ilaa Koonfur ayuu taxan yahay, waana lagu kala tagayaa hargeysa, hasa yeeshee wuxuu sheegay in aanu Hargeysa ka tagayn ee uu Hargeysa faysal Cali Wraabe Iskaga celinayo.







