Madaxweyne Siilaanyo Oo Wiilka Uu Sodogga U Yahay Ee Baashe Cawil iyo Siyaasiga Mingiiste U Magacaabay Xilal Cusub
Hargeysa(Ramaas)June-30-2015-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta u magacaabay Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil, halka uu siyaasiga Mingiiste u magacaabay danjiraha China u fadhiyi doona Somaliland.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga,” ayaa lagu yidhi Digreeto ka soo baxday Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo cuskanaya qodobka dastuuriga ah ee 90-aad waxa uu ku sheegay sababta magacaabisita dalka oo ay muhiim u yihiin danjireyaal uu ku yeesho wadamada Imaaraadka iyo China
“Madaxweynuhu Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Digreetada waxaa ku saxeexnaa Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Source: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ma ... RoKpK.dpuf





