"Maxaad u tari kartaa" badanka dadku lacag bay moodaan laakin maaha....
Soomaalida diasporada badankoodu wax ay si wanaagsan ugu takhasusaan ma jirto. Midkasta wax barashada wuu ka hadhaa oo caydh buu ku noolaada ama wax maala yacni ah oo dadku aanay ka faa'iidaysan ayuu lasoo shir tagaa.
Adigu xagaad wax marinaysaa?? Wax ma baratay dadka anfacaya oon ahayn Doctor, Engineer, ama politician?
Niyadda maku haysaa inaad wax barashadaada wadankaaga hooyo ku isticmaasho?
Maxaad rabi lahayd inaad noqoto si aad is badal u samayso?
Aniga:
Anigu insha'Allah waxaan planning garaynaya inaan ku takhasuso Architecture ama Archaeology. Labadaasiba is badal ayey u noqonaysaa wadankayga hooyo waayo waxaan saamayn ku yeelanayaa wadanka dhismayaashii uu hiddaha usoo lahaa. Ta labaadna waxa weeye waxaan soo bandhigi karayaa taariikhdeeni qani ahayd ee luntay iyadoo taasoo dhalinta mustaqbalka iyo waddankaba anfici doonta.



