It seems Xaaji Cabdi Waraabe (the head of the Somaliland guurti/senate) is a statesman who takes his role and responsibilities seriously. He is better than any Somali politician, waa halyeey Soomaaliyeed. He was interviewed about the killing of the Saaxil police commander. His response:
Marka hore Shacabka Somaliland iyo dhammaan Ciidamada dalka waan ka tacsiyadaynayaa Taliyahaas la dilay, ee gacanta ka gardarani dishay, ALLENA waxaan uga baryayaa inuu godka u nuuro, una naxariisto. Weerarkan lagu dilay Taliyuhuna waxa uu ahaa weerar iyo dhacdo aad u fool xun, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena dhib ku ah.
In la dhul jiifteeyo oo amaanka qaranka lagu ciyaaro maaha, si aanu dilkan oo kale u dhicina waa in Xukuumaddu dadaal dheeraad ah ka gashaa, Somaliland waa qaran, waa dal, in la kala sheegto maaha, in Buuraha la galo maaha, in dib loo noqdo oo dhibaatooyin Somaliland ka soo gudubtay lagu noqdo maaha, Qaran ayeynu nahay ee Qabiil iyo qudhun yaan lagu noqon, dhacdadan Taliyaha lagu dilayna waa dhacdo aan hore dalka uga dhicin ee ha la iska kaashado sidii loo qaboojin lahaa, oo Xukuumad, Goleyaal, Madax dhaqameed iyo Shacab ha la iska kaashado.”
“Cidna looga sheekayn maayo, loona sheegi maayo wixii dhiba ee ina soo maray, iyo sida ay sida aynu ku hirgelinay Nabadgalyada,ee Nabadaas aynu jidka dheer u soo galnay, yaan si yar oo fudud lagu burburin,oo dadkani colaad iyo dagaalo ma qaadi karaane yaan lagaga ciyaarin nabadooda”