Postby Adan_1 » Tue May 10, 2016 7:20 am
Dawladda Itoobiya Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Tariikhiga Ah Ee Somaliland Iyo Imaraadka. + Xukuumadda Addis Ababa Oo Heshiis Tageeraya Midka JSL, La Saxeexatay Dalka UAE.
Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa tageertay oo soo dhawaysay heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxeexdeen dawladdaha Imaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya. Haddaba siday xogo rasmiya ku heshay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday, markii Somaliland iyo Imaraadku kala saxeexdeen heshiiskaas, waxaa si xoogan u tageeray Dawladda Itoobiya oo wafti culus oo ka socdaa ku sugan yihiin magaalda Dubai.
Heshiiska Itoobiya iyo Imaraadka Carbtu kala saxeexdeen.
Dawladda Itoobiya waftiga ka maraayay oo u hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Dawladda Federaalka Itoobiya Mr. Yaekob ayaa dhinacooda waxay dalka isutaga Imaraadka la saxeexdeen heshiis laba qodob ka kooban oo tageero u ah heshiiska Somaliland iyo Imaraadka, kaas oo dhigaaya.
1- Ina Magaalada Diridhaba laga sameeyo kaam xarumeed lagu qaybiyo waxyaabaha laga soo dejiyo Dekeda Berbera ee Itoobiya leedahay.
2. Inay tageersan yihiin heshiiska Somaliland iyo Imaraadka ee balaadhinta Dekeda Berbera iyo hagaajinta jidka ganacsi ee isku xidhaaya dhinacyada Itoobiya iyo Somaliland.
Heshiiskaas waxaa u saxeexay dawladda Itoobiya Wasiirka Ganacsiga Mr. Yaekob.
Haddii ay dhakhso u fulaan heshiisyadani waxay noqonayaan maalgashigii ugu weynaa ee dalka Somaliland lagu sameeyo intii uu la soo noqday xoriyadiisa 25-sanno ka hor.