Hadeer markan masaajidka xaafada kasoo baxay salaadii ciida baan cabaar is yar taagay Qiblada masjidka hortiisa, Ishaydu waxay qabatay islaan markan sidaa u eegayba aan is idhi waar tolaw islantan xagaad ku arki jirtay, islaantaas oo hortaagan guri quful weyn saaranyahay, mar labaad baan hadana jaleecay markaasaan si fiican u aqoonsaday inay tahay the legend amina cabdilahi. Yar aanu wada soconaan ku idhi waar eeg islaantaas guriga laga qufushsy waa aamina cabdilahi. Markaas buu igu yidhi miyaanad aqoon Odayga kursiga ku tukuda ee cishe walba inala gala jamaca. Markaas baan ku idhi ma odayga sigaar cabka badan, suu yidhi waa cabdiraxman dheere hodan aabaheed isagaa furihii la maqan baan filayaa.
Waxa cajiiba bogcaduu gurigoodu ku yaal. albaabkooda iyo qiblada masaajidka laga tujiyo 3 talaabaa u dhexeysa, aad buu ilaahay diintu ugu soo dhaweeyey.




