Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Telesom Aqoon-maal: 10ka wadan ee lagu leeyahay daynta Ugu badan!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13123
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Telesom Aqoon-maal: 10ka wadan ee lagu leeyahay daynta Ugu badan!

Postby theyuusuf143 » Mon Aug 29, 2016 6:34 pm

- (26 Dul-Qicdah, 1437 - 29 Aug, 2016) Deynta dibadda ama deynta Shisheeye waa wadarta deynta guud ee Dawlad ay ku leeyhihiin Dawlado, Hay'ado ama shirkado shisheeye. Sida Sanduuqa Lacagta Adduunka, iyo Bangiga Adduunka. Haddaba waddamada caalamku aad ayey ugu kala duwanyihiin Xaddiga deymaha lagu leeyahay iyada oo aad moodo in waddamada Reer Galbeedku ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu leeyahay dayn shisheeye. Haddaba halkan waxa aan idin kula wadaagaynaa 10-ka Waddan ee lagu leeyahay deynta ugu badan, inaga oo soo bandhigayna Xaddiga deynta iyo Saamiga ay uga dhiganto wax-soo-saarka Guud ee dalkaas. Qor BARO1 Una Dir 150


- 1- Maraykanka: Waddanka Maraykanka oo ah dalka ugu dhaqaalaha Sareeya dunida, ayaa haddana ah waddanka lagu leeyahay daynta ugu badan, iyada oo lagu qiyaasay xaddiga deyntaas ilaa 18 Tirilyoon oo Doolar, taas oo haddii loo qaybiyo muwaadiniinta Maraykanka ay qof kasta ku soo hagaagayso deyn dhan 58,438 (Siddeed iyo kontan kun afar boqol iyo siddeed iyo soddon doolar). Deynta Maraykanka lagu leeyahay waxa ay uga dhigantaa boqolkiiba 106 Waxsoosaarka Guud ee Maraykanka (17.95 Tirilyoon), Taas oo micnaheedu yahay in Deynta Maraykanku ay wax yar ka badan tahay Waxsoosaarkiisa. Qor baro2 udir 150

- 2- Boqortooyada Midawday (Ingiriiska): Ingiriisku waa waddanka labaad ee lagu leeyahay deynta ugu badan, iyada ay deynta shisheeye ee lagu leeyahay ay gaadhay ilaa 9.6 Tirilyoon oo Doolar.Muwaadin kasta waxaa deyntan kaga soo hagaagaya 160.2 Kun oo Dollar, Daynta Ingiriiska lagu leeyahay ayaa 4 jeer ka badan Wax-soo-saarkiisa (2.6 Tirilyoon). 3- Faransiiska: Faransiisku waa dalka 3aad ee la ciirciiraya deynta ugu badan Dunida, waxaana lagu qiyaasay deynta dibadda ee lagu leeyahay 5.75 Tirilyoon oo Doolar, Taas oo boqolkiiba 222 uga dhiganta Waxsoosaarka Guud ee dalka (2.4 18 Tirilyoon), taas oo lagu micnanyn karo in daynta Faransiisku ay 2 jeer iyo rubuc ka ka badan tahay Waxsoosaarkiisa. Qor Baro3 una dir 150

- Haddii deyntan loo qaybiyo Shacabka Faransiiska waxaa nafarkiiba kusoo hagaagaya deyn dhan 86.3 kun oo Doolar. 4- Jarmalka: Waddanka Jarmalku waa dalka 4aad ee lagu leeyahay deynta ugu badan, Waxaan lagu qiyaasaa deyntiisa ilaa 5.55 Tirilyoon oo Doolarn. Saami ah Boqolkiiba 145 ayey deyntani uga dhigantaa Waxsoosaarka Guud ee Dalka (3.358 Tirilyoon). Calaa qof waxaa ku soo hagaagaya 68.7 kun oo Doolar. 5- Luxembourg: Waa dal aad u yar oo ku yaala Yurub, waxaanu ka mid yahay waddamada ugu hodansan dunida, Waxaa lagu qiyaasay deynta dibadda ee dalkan 3.47 Tirilyoon oo Doolar. Qof kasta oo muwaadin ah waxaa kusoo aadaysa deyn dhan 3.7 Milyan oo Dollar. Qor Baro4 una dir 150

- Deynta Luxembourg waxa ay u dhigantaa boqolkiiba 3443 waxsoosaarka dalka. 6- Shiinaha: Waddanka Shiinaha oo ah waddan ay ku nool yihiin dadka ugu badan Dunida ayaa ka mid ah dalalka lagu leeyahay deynta ugu badan iyada oo lagu qiyaasay deyntiisa ilaa 3 Tirilyoon oo Doolar. Qof kasta u dhashay waddanka Shiinaha waxaa kaga soo hagaagaya deyntan 2220 oo Doolar, iyada oo ay deynta dibaddu boqolkiiba 37.5 uga dhiganto waxsoosaarka guud ee dalka. 7- Japan: Dalka Japan waxaa lagu leeyahay deyn lagu qiyaasay 2.86 Tirilyoon Doolar, oo calaa qof u dhiganta 24 Kun oo Doolar. Boqolkiiba 60 ayey deyntani uga dhigantaa waxsoosaarka Guud ee Japan. Qor baro5 udir 150

- 8- Talyaaniga: Waddanka Talyaaniga waxaa lagu leeyahay deyn dhan 2.65 Tirilyoon oo Doolar. Qof kasta oo reer Talyaani ahna waxa ku beegan qadar ah 43.6 Kun oo Doolar. Haddaba deyntani waxa ay uga dhigantaa waxsoosaarka Guud ee dalka 124 boqolkiiba. 9- Holland: Dalka Holland waxaa uu ka mid yahay waddamada lagu leeyahay daymaha badan, waxaana lagu qiyaasaa 2.53 Tirilyoon Doolar, Waxaana calaa ruux kusoo hagaagaya 226.5 Kun oo Doolar, Waxayn dayntani uga dhigantaa waxsoosaarka guud boqolkiiba 316. Qor baro6 udir 150

- 10- Isbaanishka: Isbaanishku waa dalka 10aad ee lagu leeyahay deynta ugu badan dunida waxaana lagu qiyaasaa 2.3 Tirilyoon oo Doolar. Qof kasta oo Muwaadin ah waxaa kusoo hagaagaya qadar dhan 52 Kun oo Doolar. Boqolkiiba 167 ayey deyntani uga dhigantaa waxsoosaarka guud ee Dalka. Dhammaad.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests