Madax-dhaqameedku shaqadooda haku ekaadaan..."Odayaal dhaqameed xil-doon ah oo aan la kulmayaa ma jiraan, hawlo kale haa."
"Qofka qurbejoog ah ee xildoonaya waa in reerkiisa iyo carruurtiisu dalka joogaan, oo carruurta SL iyo Carruurtiisu School wax ka wada dhigtaan dhib iyo dheef u siman yihiin"
"Dowladdihii hore masuuliyiin xilal ka soo qabtay, isla markaana musuqmaasaq lagu eedeeyo xukuumadda cusub xil kama qaban doonnaan"
Muuse Biixi isagoo la hadlaya, xubnihii faraha badnaa ee u ololaynayay Xisbiga kulmiye wuxu yidhi:
''Iigu maydaan ololayn, inaan xilal idinku abaal mariyo, waxaadse iigu olalaynayseen sidii xisbigeena Kulmiye u guulaysan lahaa, iyo sidee aynu hadafkeena midnimo iyo horumar ee waddankeena u gaadhi lahayn''
Alla maxaa rag badan candhuuftooda dib u liqay.
Mahadsanid Mudane Madaxwayne waan taageer sanahay geesinimada iyo go'aan qaadashadu.