http://burcoonline.com/articles/69804/D ... arka-Dalka
Looks good. Waa go'aamo adag oo muuqda. Laakin yaa sarrifaya lacagta haddi aanay sarrifi karin Dahabshiil, Telesom etc.? Ma sariflayaasha oo kaliya ayaa sarrifi kara? Haddi edahab ama Zaad qof lacag loogu soo diro sidee ayuu lacagtaa ula soo baxayaa?
Haddi aan loo ogolaan doonin edahab, zaad wax ka yar 100 $ waxay la macno tahay in la joojiyo adeegyadaas ilayn dadka badana kolay lacag inta ka yar ayay isticmilaan markay isticmaalayaan xaadka ama eedahab.
Summerka haddi Alle ka dhigo dalkii ayaan ku socdaa, waxaan is lahaa zaad lacaag doora aad ku sii qaadatid. Laakin haddi aan la tago dalkii lacag badan oo zaad, ma la ii sarifayaa? Yacnihi 1000 dolllar oo cash ah ma la ii siin kara? Ma rabo iyado la sarrifay ee iyado oo dollar ah.
Bal iiga soo jawaaba qolyiihina dalka jooga ama arrimaha u war haya.



