[quote=LeJusticier
Amba ma odhan wuu la socday, lamuu soconee waxay ahaayeen dhalinyaro isaga kasoo noqotay oo soo gashay.
Idarays iyo Boho masiibadoodu xitaa waxay gaadhay gobolka meelo badan. Ma rumaysanaysaa kuwa ku dhaawacmay labada reerba in daaweyntoodii laygu soo qoray? dagaalkooduna wuxuu salka ku hayaa anaa hallkan leh uyi anaa leh. dhulkaa ay kala sheeganayaana inta badan abaar baa ku disha oo way ku dayacanyihiin
Qofku dembi aanu gelin ina dusha laga saaro ma fiicna.anaa huba inaanu dararweyne tegine markuu qardho kasoo baxay degmada ceerigaabo ayuu toos usoo galay.dagaalkii duud-caraale biciide tiknikooyin ayay wateen,sacad yoonisna ak47 iyo bkm ayuun bay ku dagaalamayeen oo tiknikooyinkodi qardho ayay yaaleen.ragii qardho joogay markii warkaa maqleen way xanaaqeen oo qaar baa yidhi halkan uun iska joogimayne waanu noqonaynaa oo reerkaanu soo difaacaynaa.rag caare ka yimi oo dararweyne yimi way jireen waxaanay ku biireen dhalinyaradi hubaysnayd e horeba meesha u joogtay.caare iyo jabhada intii kalena buuraha ayay galeen oo ilaa hadda ku jiraan.
[/quote]
Duud Caraale xitaa baratay:lol: hadaad ku yara dari lahayd inaad labada dhinacba dhegeysato waxaad ahaan lahayd suldaan, laakiinse HY bari keliyaad dhegeysataa.
Labada reer brush bay ismariyaan qoloba qolada kale ayay ku tidhaahdaa iyagaa gar daran. Hadaad labadaba dhegeysato waxaa kusoo baxaya inay labaduba beenta fidiyaan.
Waxaa jirta in dhowr jeer Boho dhaarta ka bexeen, waxaa kaloo jirta in Idaraysku dagaalkii ugu horeeyey iyagu bilaabeen dhowr jeer weeraro soo qaadeen....labada qoloba waaxaa ku jira dad faraha dhiig kula jira.
Ta DUUD CARAALE. Horta Duud Caraale odayga meeshaas loogu magacdaray wuxuu ahaa BOHO. Takale meeshaas waa meesha geela loo daran geeyo. Waa qasab in sanadkii mar geela la geeyo si'uu daran usoo cuno mudo 4 cisho. Bahaygu way ogaayeen in SY is hortaagi doono, sidaa daraadeer way sii diyaar garoobeen oo iyago hubaysan ayay geelii daran geeyeen. Markii lays hortaagey oo geeli xabadii ku dhacday nina dhintay midna dhaawacmay ayaa dagaalkii bilaabmay.
Hadaal labada dhinac waraysan lahayd waxaa kusoo bixi lahaa sheekooyin is khilaafsan, waxaadse ogaal lahayd waxaa dhabta ah. Colaada labada reer Walaa muse handraab walaa sheikh dirir baa joojin kara. Waxaa keliya oo joojin kara iyagoo fahma inaanay sidan kusii jiri karin.