Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Post by sheekh-Farax-zero »

Garoowe(SP) : Tan iyo markii la asaasay Puntland muddo laga joogo 11 sano, gobolada ay sheegato sida Sool iyo Sanaag waxay ahaayeen kuwo magac ahaan ugu qoran dastuurka Puntland , laakiin majirin wax saamayn ah oo ay ku leedahay gaar ahaan xagga arimaha bulshada.



Hase yeeshee xukuumadda cusub ee uu madaxda ka yahay C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole , waxay muujinaysaa iney caddaalad u samayso gobolada maamulkooda hoos yimaada.



Tusaalihii ugu horreeyey ee reer Sanaag ku farxaan waxa sameeyey wasiirka waxbarashada Puntland Prof. Cabdi Faarax Juxaa oo dhowaan la xisaabtamay Federaalka iyo deeqaha waxbarasho ee ay helaan . Kadib markii federaalku siiyey Puntland tiro arday ah oo deeq waxbarasho looga helay wadanka Yemen , wasiirku wuxu sameeyey caddaalad aan ku diirsannay oo mahadcelin mudan.



Kadib markii uu kuliyadaha oo kala qaalisan ayna ku jirtey hal kursi oo Medicine ah ( Dhakhtarnimo ah) uu bulshada ku wargeliyey in iskuul walba uu soo dirsado hal arday , kuliyadahana uu nasiib ku helayo.



Inta uu waraaqo ay kuliyadaha ku qoran yihiin Miis hortiisa ah ku daadiyey ayuu yiri " qof walbi nasiibkiisa hal warqad ha qaato , taasoo ah kuliyadda uu gelayo " .



Wiil magaciisa la yiraahdo C/qaadir C/laahi Warsame oo sanadkii lasoo dhaafay kaalinta 2aad fasalkiisa Form Four-ka u galay dugsiga Al-Furqaan ee magaalada Badhan ayaa nasiib u yeeshay inuu helo kuliyaddii ugu qaalisanayd ee dhakhtarnimada ahayd.



Ma dhacdeen sidaas caddaalada ah iyo si dhow toonni hadii aanu sidaas masuuliyaddu kujirto yeelin wasiirka waxbarashada Puntland Prof. Cabdi Faarax Juuxaa.



Waa hanbalyo Wasiirka iyo Ardaygaba waana ku faraxsanahay , waana markii ugu horreysey ee arimaha bulshada wax la taaban karo ay gobolka Sanaag u qabato.



Yaasiin Xaaji



yxdheere@hotmail.com
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Post by gemini07 »

Masha'allah.

Great news :up: :som:
Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Re: Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Post by Highland »

As an individual, I have provided scholarship funds to a number of students and sent them to Malasia and India.

What you posted is shame and disrespect that a Whole city thanks Puntland for one mere kid.

Horta nimanyahoo maba xishootaan.
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Post by sheekh-Farax-zero »

Highland

ma aadan fahmin,, puntland oo dhan 12 arday ayaay heshay,, 12kaa hal arday ayaa loo qoondeyay
inuu kulliyada caafimaadka dhigto, tiina wiil reer Badhan ayaa nasiib ku helay,,
ee micnuhu ma aha sanaag oo dhan inuu ardaygaas 12ka uga jiro, ee 2kale ayaa wehliya
dhigan doona kulliyado kale.
Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Re: Reer-badhan u mahad celiyay wasiirka waxbarashada

Post by Highland »

War waxaano kale hala imaan meesha.

Nasabnimadaa idinku yar wale iyo bile.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”